Uncategorized

KENYA WANTS TO ORGANISE A SOMALI OPPOSITION GROUP TO OPPOSE THE GOVERNMENT OF SOMALIA

[16-07-2013 02:21]
Ma Guddi Badbaadinta Qaran’baa misna
Guddi Qaran dumis. (Qoraal xiisa badan
Inta badan Shacbiga Soomaaliyeed kuwooda
dalka iyo dibadda ku kala sugan waxa ay is
weydiinaayan kulamadii dhawaan ka dhacay
Grand Regency Hotel ee Magaalladda Nairobi
ee Xarunta Dalka Kenya kaasoo lagu dhisay
Guddi isku magacaabay ‘’Badbaadinta Qaranka
Somalia’’.
Sida lawada Ogyahay Guddigaasi lagu dhisay
Magaalladda Nairobi, waxaa liijaanka u haayo
Dowladda Kenya oo iyadu ka didsan Siyaasadaha
Cusub ee iminka ay lasoo baxday Xukuumadda
Somalia, iyadoona ay Kenya isku aruursatay
Tobaneeyo Siyaasiyiin isugu jiro kuwo looga itaal
roonaaday Doorashadii dalka ka dhacday iyo
kuwa ay meel ku tuurtay Siyaasadda Somalia oo
iyagu fadhiit noqday.
Kulanka lagu dhisay Guddiga isku magacaabay
‘’Badbaadinta Qaranka Somalia’’ ayaa waxaa
kamid ahaa Raysal Wasaarayaashii hore ee
dawlada ku meel gaarka aheyd Cali Maxamed
Geedi, Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, C/
wali Cali Gaas, Cali Khaliif Galeyr iyo xubno kale
oo magac leh sida Baadiyow oo ahaa Musharaxii
looga itaal roonaaday Doorashadii ka dhacday
dalka, kuwaasoo iminka isku raacay inay u
adeega Dowladda Kenya.
Sidoo kale, Guddiga ‘’Badbaadinta Qaranka
Somalia’’ ayaa waxaa ku jira Siyaasiyiin Xasuuq
ba’an u geystay Shacbiga Soomaaliyeeda, waxa
uuna yahay Ujeedka loo aasaasay in Dowladda
Kenya ay ku jabiso Xukuumadda Somalia si looga
mashquulo Go’aankii ahaa in Ciiddamadda Kenya
laga saaro Magaalladda Kismaayo iyo Arrimo
kale.
Halista ka dhalan karta ku dhawaaqida gudigaasi,
ayaa waxaa kamid ah in dalka Somalia uu dib ugu
laabto 22-Sanno ee lasoo dhaafay, waxaana la
filan karaa in Dowladda Kenya ay lumiso
Siyaasadda Somalia oo iminka gashay Dhabihii
Dowladnimo iyadoona Soomaalida ka dhex
abuuri karto Colaado hor leh.
Mas’uuliyiinta aan kor kusoo sheegay ayaa waxa
ay sidoo kale kaashanayaan laba Maamul-
goboleed ee aan loo dhameyn oo mucaaradka
ku ah dowladda Soomaaliya waa Puntland iyo
Jubbalandne, ayaa waxay u muuqdaan kuwo
go’aansaday inay jilbaha dhulka ugu dhuftaan
dowladda Soomaaliya ee aqoonsiga caalamiga ah
heshay maanta.
Waxayna hada doontooda Siyaasadeed soo
saareen rag looga soo guulaystay doorashadii
September 2012 ee uu kusoo baxay
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud. Waxaase
nasiib daro ah in Mas’uuliyiintii Soomaaliyeed oo
waliba badankood ay wataan shahaadooyin
jaamcado ay dantooda gaarka ah iyo jeebkooda
ka hormariyeen danta guud ee Soomaalida u
dhamaatay gaajada iyo colaadda. Waxayna garan
waayeen haddiiba uu damac labaad ku jiro inay
sugtaan inta ay dhamaanayso mudada kooban
ee dowladda cusub kadibna ay dib u tartamaan
oo isku dayaan inay jagooyinkoodii ay ku
taajireen dib usoo ceshtaan.
Dhanka kale, Guddiga ayaa waxaa sidoo kale
kamid ah Madaxweynihii hore ee Somalia
Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan
Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka, kuwaas oo
la sheegay inay daaha dabadiisa ay ka riixayaan
hawlahaasi, iyadoona ay Dowladda Kenya ay
bixisay Miisaaniyada ugu badan oo ay u gacan
galisay Cali Maxamed Geedi si loo carqaladeeyo
Xukuumadda Somalia ee iminka culeyska ku
heysa Dowladda Kenya oo ka qowleysaneysa
Kismaayo.
Dhawaan ayay ahayd markii xubno Siyaasiyiin ah
oo ka tirsan Guddiga Badbaadinta Qaranka
Somalia ay shir ku qabsadeen Magaalada
Kambala ee dalka Yugaandha, halkaas oo uu ku
sugan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia
Sheekh Shariif, kaas oo la sheegay inuu ka soo
ifbaxay kulanadii ka dhacay Kambala, gaar ahaana
guriga uu degan yahay Sheekh Shariif Sheekh
Axmed ay isla garteen Siyaasiyiintii iskugu yimid
in dalkii Jilbaha dhulka loo dhigo isla markaana
lagu celiyo 22-kii sanno ee lasoo dhaafay.
Ugu dambeyn waxan kula talin lahaa Dowladda,
Golaha Baarlamaanka iyo Shacbiga
Soomaaliyeed inay xal u raadiyaan Cudurkaan
Soomaali ragaadiyay oo ah in Madaxdii hore ay
dib u gocdaan una raadiyaan lacagihii badnaa ee
ay ku qaadan jireen jagooyinka ay Shacabka
usoo qabteen, isla markaani ka hortagaan
Dhibaatooyinka ay Kenya usoo horseedeyso
Somalia iyada oo adegsaneysa Siyaasiyiin
Tabarta u deyrisay.
NB. FIIRO GAAR AH:- Shacbiga
Soomaaliyeed waxaa la gudboon in Guddigaasi
ay uga soo horjeystaan sidii ay uga soo
horjeysteen Xildhibaanadii la daaldhacaayay
Mooshinkii Fashilmay si Dalka looga saaro
Khasaarihii kasoo gaaray 22-Sanno.
W/Q. Weriye:- Anwar Bakhiit
Madaxa falanqeynta Siyaasadda
Allbanaadir.com

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s