Uncategorized

Col. Buule “Arin aad u xun ayaa ka
taagan Kismaayo, Dowladda ha u cadeyso
Kenya, inay isaga baxdo Kismaayo”
Col. Maxamed Ibraahim Buule oo kamid ah
Saraakiishii Dowladda ee laga saaray Magaalada
Kismaayo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay
xaalad adag ka taagan tahay Magaalada
Kismaayo.
Col. Maxamed Ibraahim Buule oo wareysi siiyay
Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho,
ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Kenya ay
dhibaato daran ku hayaan shacabka reer
Kismaayo.
Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu
ugu baaqay inay Dowladda Kenya si cad ugu
sheegto, inay Ciidamadeedu uga baxaan sida uu
sheegay Magaalada Kismaayo ee Xarunta
Gobolka Jubbada Hoose.
“Arin aad u xun ayaa ka taagan Kismaayo,
Dowladda ha u cadeyso Kenya, inay isaga baxdo
Kismaayo. Shacabkii Kismaayo waxay noqdeen
wax ka barakaca Magaaladii.
Waxa hadda Kismaayo ku haray waa wixii la
ehelka ahaa Jabhadda Raaskambooni.” ayuu yiri
Col. Maxamed Ibraahim Buule.
Sarkaalkaan ayaa wuxuu Dowladda Kenya uu ku
eedeeyay inay dooneyso inay xoog kula
wareegto Magaalada Kismaayo, ha yeeshee
Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu u
jeediyay inay wax cad ka keenaan Kenya.
Col. Maxamed Ibraahim Buule ayaa wuxuu kaloo
sheegay in dhibaatada ka taagan Kismaayo, ay
qeyb ka yihiin Ciidamada Ururka Raaskambooni,
oo uu hogaamiyo Sheekh Axmed Maxamed
Islaam “Sheekh Axmed Madoobe”.
“Raaskambooni waxay Magaalada Kismaayo ka
wadaa wixii ka dhacay 1991-kii oo kale. Guryihii
laga barakacay oo dhan inta ay dabada u
galiyaan gaari, ayay ka soo rartaan jiifafka iyo
alaabaha kale ee laga barakacay.” ayuu si adag
uu u yiri Sarkaalka ka tirsan Saraakiisha
Dowladda ee Jubbooyinka.

Col. Buule “Arin aad u xun ayaa kataagan Kismaayo, Dowladda ha u cadeysoKenya, inay isaga baxdo Kismaayo”Col. Maxamed Ibraahim Buule oo kamid ahSaraakiishii Dowladda ee laga saaray MagaaladaKismaayo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inayxaalad adag ka taagan tahay MagaaladaKismaayo.Col. Maxamed Ibraahim Buule oo wareysi siiyayIdaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho,ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Kenya aydhibaato daran ku hayaan shacabka reerKismaayo.Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuuugu baaqay inay Dowladda Kenya si cad ugusheegto, inay Ciidamadeedu uga baxaan sida uusheegay Magaalada Kismaayo ee XaruntaGobolka Jubbada Hoose.“Arin aad u xun ayaa ka taagan Kismaayo,Dowladda ha u cadeyso Kenya, inay isaga baxdoKismaayo. Shacabkii Kismaayo waxay noqdeenwax ka barakaca Magaaladii.Waxa hadda Kismaayo ku haray waa wixii laehelka ahaa Jabhadda Raaskambooni.” ayuu yiriCol. Maxamed Ibraahim Buule.Sarkaalkaan ayaa wuxuu Dowladda Kenya uu kueedeeyay inay dooneyso inay xoog kulawareegto Magaalada Kismaayo, ha yeesheeMadaxda Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu ujeediyay inay wax cad ka keenaan Kenya.Col. Maxamed Ibraahim Buule ayaa wuxuu kaloosheegay in dhibaatada ka taagan Kismaayo, ayqeyb ka yihiin Ciidamada Ururka Raaskambooni,oo uu hogaamiyo Sheekh Axmed MaxamedIslaam “Sheekh Axmed Madoobe”.“Raaskambooni waxay Magaalada Kismaayo kawadaa wixii ka dhacay 1991-kii oo kale. Guryihiilaga barakacay oo dhan inta ay dabada ugaliyaan gaari, ayay ka soo rartaan jiifafka iyoalaabaha kale ee laga barakacay.” ayuu si adaguu u yiri Sarkaalka ka tirsan SaraakiishaDowladda ee Jubbooyinka.

Aside

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s