Uncategorized

Col. Buule “Arin aad u xun ayaa ka
taagan Kismaayo, Dowladda ha u cadeyso
Kenya, inay isaga baxdo Kismaayo”
Col. Maxamed Ibraahim Buule oo kamid ah
Saraakiishii Dowladda ee laga saaray Magaalada
Kismaayo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay
xaalad adag ka taagan tahay Magaalada
Kismaayo.
Col. Maxamed Ibraahim Buule oo wareysi siiyay
Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho,
ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Kenya ay
dhibaato daran ku hayaan shacabka reer
Kismaayo.
Sidoo kale Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu
ugu baaqay inay Dowladda Kenya si cad ugu
sheegto, inay Ciidamadeedu uga baxaan sida uu
sheegay Magaalada Kismaayo ee Xarunta
Gobolka Jubbada Hoose.
“Arin aad u xun ayaa ka taagan Kismaayo,
Dowladda ha u cadeyso Kenya, inay isaga baxdo
Kismaayo. Shacabkii Kismaayo waxay noqdeen
wax ka barakaca Magaaladii.
Waxa hadda Kismaayo ku haray waa wixii la
ehelka ahaa Jabhadda Raaskambooni.” ayuu yiri
Col. Maxamed Ibraahim Buule.
Sarkaalkaan ayaa wuxuu Dowladda Kenya uu ku
eedeeyay inay dooneyso inay xoog kula
wareegto Magaalada Kismaayo, ha yeeshee
Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa wuxuu u
jeediyay inay wax cad ka keenaan Kenya.
Col. Maxamed Ibraahim Buule ayaa wuxuu kaloo
sheegay in dhibaatada ka taagan Kismaayo, ay
qeyb ka yihiin Ciidamada Ururka Raaskambooni,
oo uu hogaamiyo Sheekh Axmed Maxamed
Islaam “Sheekh Axmed Madoobe”.
“Raaskambooni waxay Magaalada Kismaayo ka
wadaa wixii ka dhacay 1991-kii oo kale. Guryihii
laga barakacay oo dhan inta ay dabada u
galiyaan gaari, ayay ka soo rartaan jiifafka iyo
alaabaha kale ee laga barakacay.” ayuu si adag
uu u yiri Sarkaalka ka tirsan Saraakiisha
Dowladda ee Jubbooyinka.

Colonel : somali government lost kismanyu to #kenya and president must reach its final decision to force kenya out of kismanyu

Aside

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s