Uncategorized

siminaar kadhacey cadaado

Siminaar looga hor tegaayey xaalufunta dhirta loo maanta lagu qabtay magaalada Cadaado

Published on July 19, 2013 by    ·   No Comments

Siminaarkaani oo lagu qabtay xarunta Hey’ada Tatdo oo iyado so baqan qaabisay siminaarkaan ayaa waxaa looga dooday sidii lagu yareey lahaa ama guud ahaanba lagu cirib tiri lahaa xaalufinta deegaanka oo mudooyinkii danbe kusoo laa laabtay deegaanada maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb.

Siminaarka oo ay kasoo qeyb galeen mas’uuliin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb iyo qeybaha kale ee Bulshada ayaa si weyn waxaa loo falaqeeyay qaabka ugu haboon oo lagu jooji karo in la jaro dhirta deegaanka.

Bulshadii kasoo qeyb gashay siminaarka la dagaalanka xaafufinta dhirta deegaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay aragtidooda ku aadan in la xaalufiyo dhirta deeganka.

Maryan C/lle oo  ka mida mas’uuliinta Hey’aha Tardo laandeeda Cadaado ayaa sheegtay inay sare u qaadi doonaan isla markaana ay sii wadi doonaan la dagaalanka in la xaalufiyo dhirta uu allah nagu maneystay ayna sii wadi doonaa siminaarada nuucaani oo kalaa.

Markii uu soo dhamaaday siminaarku ayaa Bulshadii kasoo qeyb gashay waxaa loo qeybiyay geedo ay ku beertaan guryahooda si sare loogu qaado dhireynta deegaanka.

Sikastaba dhawaan ayeey aheyd markii maamulka Ximan iyo Xeeb uu digniin kasoo saaray xaalufinta dhirta deegaanka uuna shaaciyay in aan loo dulqaada dooni jarida dhirta oo loo adeegsado in laga shido dhuxul.

 

 

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s