Uncategorized

RAMADANKA IYO SWEDEN

Muslimiinta Sweden oo culeys ka haysto waqtiga Ramadaanka

BY JIMCAL : SOCDAALKA,WARKA

RESPONSES : 7 COMMENTS

 
 

Sanadkaan ayaa Ramadaanku waxa uu ku soo aaday bartamaha xagaaga Sweden taasoo keentay in Muslimiinta ku nool Sweden qaasatan waqooyiga wadanka ay cabasho weyn ka muujiyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda. Magaalooyinka ku yaala waqooyiga Sweden sida Kiruna ayaysan qoraxdu ka dhicin xiligaan taasoo aad u adkaynaysa soonka Muslimiinta.

Culumada Muslimiinta ee ku nool Sweden iyo caalamka ayaa isku qilaafsan qaabka loo xalin karo dhibaatada goobaha aysan qoraxdu ka dhicin ama uu waqtiga soonka aad u dheeryahay. Culumaa qaar ayaa ku taliya in Muslimiinta ku nool goobahaas ay la soomi karaan saacada Maka ama Medinah ama wadanka Muslimka ah ee ugu dhow. Qaar kale ayaa ku taliya in ay la soomaan magaalooyinka Sweden ee ku dhow, halka qaar kale ay leeyihiin in aan la jabin karin shuruuda soonka oo ay waajibtahay in la afaro xiliga qaraxdu dhacdo oo keliya.

Fikradaas kala duwan ayaa jahwareer ku abuuray Muslimiinta. Gudoomiyaha Ururka Muslimiinta Sweden Cumar Mustafa ayaa ku taliyay in shaqsi kasta uu qaato go’aanka ku haboon maadaama arintaan laysku qilaafsanyahay

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s