Uncategorized

wasirada arimaha dibada somalia oo mogdisho aad logusoodhaweyey

Daawo Sawirada:Fawsiya Yusuf Haji oo si Weyn Maanta Muqdisho loogu soo dhaweeyay kadib shir caalami ah ay kasoo qeyb gashay  

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E Fawsia Yusuf Haji Adam ayaa maanta dib ugu soo laabatay Caasimadda Muqdisho kadib markii Magaalada Abuja ee Caasimadda Nigeria ay uga qeyb gashay shir madaxeed gaar ah oo ay iskugu yimaadeen Madaxweynayaasha iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika , kaasoo Ururka Midowga Afrika uu soo qaban-qaabiyay . 

Shirkani oo looga dooday qaabkii looga cirib tiri lahaa qaaradda Africa Virus-ka HIV Aids-ka , TB iyo Malaria , ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ay halkaasi ku bandhigtay aragtideeda xal u helidda dhibaatadani dib u dhigtay horumarada ay qaaraddu ku tallaabsan laheyd. 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , ayaa markii ay maanta ka soo degtay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay halkaasi Danjire . Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan oo ah Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Diblomaasiyiin iyo Mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com





Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s