Uncategorized

Xarakadda Al-shabaab Oo Sheegtay Inay Dawladda Kenya Askartii Ay Sii Daayeen kaga Badasheen Maxaabiis Wednesday, 31 July 2013 19:12 font size Print Email Moqdisho(Caroog)-July 31, 2013. Xarakada Al-shabaab ayaa xaqiijisay inay sii daysay laba sarkaal oo Kenyan ah, kaddib markii dowladda Kenya ay fulisay shuruudo ay ugu xirtay Al- shabaab xukuumadda Kenya. Sarkaal u hadlay Al- shabaab ayaa sheegay in saraakiisha ay sii daayeen ay gacnta ku hayeen muddo 18-bilood ah, ayna sii daayeen iyagoo caafimaad qaba, wuxuuna xusay inay weli gacanta ku hayaan saraakiil kale oo Kenyan ah. “Labadan sarkaal sii dayntooda waxaa fududeysay kaddib markii dowladda Kenya ay fulisay qodobbo ay horay ugu xirtay Al-shabaab dowladda Kenya, kuwaasoo ay ka mid yihiin in lasii daayo maxaabiis u xiran dalka Kenya, ayna maxaabiista kale u xiran yihiin qaar ka dhiman fulinta shuruudihii lagu xiray,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Al-shabaab. Al-shabaab ma sheegin shuruudaha dhiman ee ay u xiran yihiin maxaabiista kale kuwa ay yihiin, balse Al-shabaab ayaa horay uga dalbtay in maxaabiis ku xiran xabsiyada Kenya ay sii dayso, kuwaasoo loo haysto falal argagaxiso ah. “Saraakiisha aan sii daynay waxaa lagu kala magacaabaa Fredrick Wainaina iyo Yesse Mulle, kuwaasoo gacanteenna soo galay horraantii sannadkii hore ee 2012, welina waxaa gacanteenna ku jira maxaabiis kale oo Kenyan ah,” ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka Al- shabaab ka tirsan. War ay soo saartay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in laba sarkaal oo u dhashay dalkeeda muddo sannado ahna lagu haystay gudaha Soomaailya in lasii daayay, ayna hadda dib ugu biireen qoysaskooda iyagoo nabad qaba. Xukuumadda Kenya waxay sheegtay in sii-daynta saraakiishan ay ku timid wadahadallo guuleystay oo ay la yeesheen Al-shabaab, laakiin ma sheegin halka lagu hayay saraakiishan iyo xilliga lasii daayay. Dowladda Kenya ayaa horay ugu gacan-sayrtay inay wadahadallo la gasho Al-shabaab, si maxaabiista laga haysto loogu sii daayo, balse wadahadalka lagu sii dayay labadan sarkaal ayay Al-shabaab sheegtay inay soo dedejisay markii ay toogasho ku dishay Al- shabaab sarkaal Kenyan ah oo magaciisa la oran jiray, Jonathan Kangogo. Al-shabaab waxay sheegtay in sarkaalka Kenyanka ah ee ay dishay uu ka mid ahaa ciidamada Kenya laguna qabtay gudaha Soomaaliya, balse ma jiro war arrintan ku saabsan oo kasoo baxay dowladda Kenya.

Xarakadda
Al-shabaab
Oo
Sheegtay
Inay
Dawladda
Kenya
Askartii Ay
Sii Daayeen
kaga
Badasheen
Maxaabiis
Wednesday, 31 July 2013 19:12 font size Print Email
Moqdisho(Caroog)-July 31,
2013. Xarakada Al-shabaab
ayaa xaqiijisay inay sii
daysay laba sarkaal oo
Kenyan ah, kaddib markii
dowladda Kenya ay fulisay
shuruudo ay ugu xirtay Al-
shabaab xukuumadda
Kenya.
Sarkaal u hadlay Al-
shabaab ayaa sheegay in
saraakiisha ay sii daayeen
ay gacnta ku hayeen
muddo 18-bilood ah, ayna
sii daayeen iyagoo
caafimaad qaba, wuxuuna
xusay inay weli gacanta
ku hayaan saraakiil kale
oo Kenyan ah.
“Labadan sarkaal sii
dayntooda waxaa
fududeysay kaddib markii
dowladda Kenya ay fulisay
qodobbo ay horay ugu
xirtay Al-shabaab
dowladda Kenya,
kuwaasoo ay ka mid
yihiin in lasii daayo
maxaabiis u xiran dalka
Kenya, ayna maxaabiista
kale u xiran yihiin qaar
ka dhiman fulinta
shuruudihii lagu xiray,”
ayuu yiri sarkaalka u
hadlay Al-shabaab.
Al-shabaab ma sheegin
shuruudaha dhiman ee ay
u xiran yihiin maxaabiista
kale kuwa ay yihiin, balse
Al-shabaab ayaa horay
uga dalbtay in maxaabiis
ku xiran xabsiyada Kenya
ay sii dayso, kuwaasoo loo
haysto falal argagaxiso ah.
“Saraakiisha aan sii
daynay waxaa lagu kala
magacaabaa
Fredrick Wainaina iyo
Yesse Mulle, kuwaasoo
gacanteenna soo galay
horraantii sannadkii hore
ee 2012, welina waxaa
gacanteenna ku jira
maxaabiis kale oo Kenyan
ah,” ayuu hadalkiisa ku
daray sarkaalka Al-
shabaab ka tirsan.
War ay soo saartay
dowladda Kenya ayaa lagu
sheegay in laba sarkaal oo
u dhashay dalkeeda
muddo sannado ahna lagu
haystay gudaha
Soomaailya in lasii
daayay, ayna hadda dib
ugu biireen qoysaskooda
iyagoo nabad qaba.
Xukuumadda Kenya waxay
sheegtay in sii-daynta
saraakiishan ay ku timid
wadahadallo guuleystay oo
ay la yeesheen Al-shabaab,
laakiin ma sheegin halka
lagu hayay saraakiishan
iyo xilliga lasii daayay.
Dowladda Kenya ayaa
horay ugu gacan-sayrtay
inay wadahadallo la gasho
Al-shabaab, si maxaabiista
laga haysto loogu sii
daayo, balse wadahadalka
lagu sii dayay labadan
sarkaal ayay Al-shabaab
sheegtay inay soo
dedejisay markii ay
toogasho ku dishay Al-
shabaab sarkaal Kenyan
ah oo magaciisa la oran
jiray, Jonathan Kangogo.
Al-shabaab waxay
sheegtay in sarkaalka
Kenyanka ah ee ay dishay
uu ka mid ahaa ciidamada
Kenya laguna qabtay
gudaha Soomaaliya, balse
ma jiro war arrintan ku
saabsan oo kasoo baxay
dowladda Kenya.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s