Shirkii Kampala oo
laga soo saaray in
Dowladda
Soomaaliya lagu
wareejiyo
maamulka
Dekkadda iyo
garoonka
dayaaradaha ee
Magaalada
Kismaayo
Isniin, August 5, 2013—
Shirkii ka socday
Magaalada Kampala ee ay
lahaayeen waddama ay
Ciidamada ka joogaan
Soomaaliya iyo
dowladaha Soomaaliya iyo
Itoobiya ayaa la soo
gebagebeeyay, iyadoo ay
shirkana laga soo soo
saaray War-Murtiyeed ka
kooban 39 qodob, kaasi oo
aan idiin soo koobnay
qodobbadiisa.
Qodobada ugu muhiimsan
ee shirka ka soo baxay
ayaa waxaa ka mid ah
qodob ku saabsan in
Dowladda Soomaaliya lagu
wareejiyo Magaalada
Kismaayo ee Gobolka
Jubbada Hoose, iyadoo
sidoo kalena la soo
dhaweeyay wada
hadallada u billowday
Dowladda Soomaaliya iyo
Mas’uuliyiintii ka socday
Gobollada Jubbooyinka.
War-murtiyeedka ayaa
sidoo kale ku baaqay in
wada hadallada Dowladda
Soomaaliya iyo
mas’uuliyiinta Jubbaland
uga billowday Addis Ababa
la sii wado, isla markaana
ay wada hadalladaas
noqdaan mid laga wada
qeybgalo.
Qodobada kale ee
muhiimka ah ee shirka ka
soo…
View original post 356 more words