Uncategorized

Dabley hubeysanayaa xalay ku gubey intau dhexeysa magaaladaBoosaaso iyo tuulada Kala-bayr labo gaari oo noocaxamuulka qaada ee aySoomaalidu (Candho-meydlaha) u taqaan ah.Gawaaridan oo ukireysnaa hay’adda WFP,kuna sii jeedey magaaladaGaalkacayo ee xaruntagobolka Mudug, waxaamid kamid ahi uu sideyshidaal halka midkakalena uu sidey buskudkalasiiyo ciyaalka ay nafaqodarradu hayso (BuskudDhiiqo).Goobta uu falkani kadhacay ayaa ahMeermeerka oo qiyaastii55-km koonfurta kagaaaddan magaaladaBoosaaso. Taliye ku-xigeenka ciidamadaDaraawiishta Puntlandsareeye guuto AxmedCabdi Xaashi oo la hadlayIdaacadda Daljir eemagaalada Boosaaso ayaaka warbixiyey sida ay waxu dheceen.Wuxuuna sheegay inlabadan gaari markii ayhalkaas marayeen ay kooxdabley ah oo hubeysnirasaas ku fureen si ayjoojiyaan, isagoo intaasraaciyey in wadayaashiiiyo rikaabkii kaleba ay kuamreen in ay soo degaankaddibna ay indhaha kaxireen.Taliye ku-xigeenkaciidamada DaraawiishtaPuntland sareeye guutoAxmed Cabdi Xaashi ayaadhinaca kale sheegay inkooxda weerarka geysateyay labada gaari dabqabadsiiyeen, kaddibna aygoobta ka baxsadeen. Majiro wax khasaare nafeedah oo weerarkaas kadhashay marka laga reebobaabuurta iyo wixisaarnaa oo bas beelay.Mar la weydiiyey ciddaweerarka geysatey iyosababta wuxuu sheegay inuu baaritaan socdo,haseyeeshee uu isagurumeysan yahay in ay katirsanaayeen kooxda Al-shabaab ee uu fadhigooduyahay buuraleyda Golis.”Weli baaritaan baa socda,aniguse waxan kaaaminsanahay in ay kadanbeeyeen nimankaasdadka iyo dalka iyodiintaba liddiga ku ah eeShabaab la yiraahdo…”sareeye guuto AxmedCabdi Xaashi ayaa yiri.Falkan oo ah kii uguhoreeyey ee noociisa ah,wuxuu kusoo aadayaamaalin kaddib markiiwasaaradda amniga eePuntland ay ka digteyweeraro argagixiso oo kadhaca Puntland inta laguguda jiro ayaamaha iidka,arintaasoo keentay inciidamada heegan sare lageliyo magaalooyinkawaaweynna howlgallobaaritaan u badan lagabilaabo.Maxamed Salaad XaajiDirir, Hiiraan Online

Dabley hubeysan
ayaa xalay ku gubey inta
u dhexeysa magaalada
Boosaaso iyo tuulada Kala-
bayr labo gaari oo nooca
xamuulka qaada ee ay
Soomaalidu (Candho-
meydlaha) u taqaan ah.
Gawaaridan oo u
kireysnaa hay’adda WFP,
kuna sii jeedey magaalada
Gaalkacayo ee xarunta
gobolka Mudug, waxaa
mid kamid ahi uu sidey
shidaal halka midka
kalena uu sidey buskudka
lasiiyo ciyaalka ay nafaqo
darradu hayso (Buskud
Dhiiqo).
Goobta uu falkani ka
dhacay ayaa ah
Meermeerka oo qiyaastii
55-km koonfurta kaga
aaddan magaalada
Boosaaso. Taliye ku-
xigeenka ciidamada
Daraawiishta Puntland
sareeye guuto Axmed
Cabdi Xaashi oo la hadlay
Idaacadda Daljir ee
magaalada Boosaaso ayaa
ka warbixiyey sida ay wax
u dheceen.
Wuxuuna sheegay in
labadan gaari markii ay
halkaas marayeen ay koox
dabley ah oo hubeysni
rasaas ku fureen si ay
joojiyaan, isagoo intaas
raaciyey in wadayaashii
iyo rikaabkii kaleba ay ku
amreen in ay soo degaan
kaddibna ay indhaha ka
xireen.
Taliye ku-xigeenka
ciidamada Daraawiishta
Puntland sareeye guuto
Axmed Cabdi Xaashi ayaa
dhinaca kale sheegay in
kooxda weerarka geysatey
ay labada gaari dab
qabadsiiyeen, kaddibna ay
goobta ka baxsadeen. Ma
jiro wax khasaare nafeed
ah oo weerarkaas ka
dhashay marka laga reebo
baabuurta iyo wixi
saarnaa oo bas beelay.
Mar la weydiiyey cidda
weerarka geysatey iyo
sababta wuxuu sheegay in
uu baaritaan socdo,
haseyeeshee uu isagu
rumeysan yahay in ay ka
tirsanaayeen kooxda Al-
shabaab ee uu fadhigoodu
yahay buuraleyda Golis.
“Weli baaritaan baa socda,
aniguse waxan ka
aaminsanahay in ay ka
danbeeyeen nimankaas
dadka iyo dalka iyo
diintaba liddiga ku ah ee
Shabaab la yiraahdo…”
sareeye guuto Axmed
Cabdi Xaashi ayaa yiri.
Falkan oo ah kii ugu
horeeyey ee noociisa ah,
wuxuu kusoo aadayaa
maalin kaddib markii
wasaaradda amniga ee
Puntland ay ka digtey
weeraro argagixiso oo ka
dhaca Puntland inta lagu
guda jiro ayaamaha iidka,
arintaasoo keentay in
ciidamada heegan sare la
geliyo magaalooyinka
waaweynna howlgallo
baaritaan u badan laga
bilaabo.
Maxamed Salaad Xaaji
Dirir, Hiiraan Online

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s