Uncategorized

Xog la helay: Kenya, qas-wadayaasha iyo Ethiopiaoo iska kaashanaya soonooleyneynta xisbigiiburburay ee Xizbul Islaami(war bixin)Wararka laga helaayomagaalada Nairobi eexarunta dalka Kenya ayaawaxa ay sheegayaan in uuku suganyahay halkaasiMaxamed Macalim oo ahaasarkaal muhiim ahaa oo katirsanaa Shabaab kadibmarkii ururkoodii Xisbulislaami si xoog ahShabaabku ku burburiyeen.Warar soo baxaya ayaa waxaay sheegayaan in Kenya aydooneyso in dib loo soonooleeyo ururkiihogaamiyahoodu uxiranyahay dowladaSoomaaliya kadib markiigacanta lagu dhigay isagaoo kasoo baxsadayhogaamiyaha ShabaabAxmed Cabdi Godane.Maxamed Macalim oo horayu ahaa xoghayaha arimahadibada ee ururkii XassanDaahir hogaamin jiray eeXizbul Islaami ayaa waxa uukamid yahay masuuliyiin aanla ogeyn meel ay Shabaabkauga bexeen waxaana dadkaindheer garadka ahisheegayaan in sababtaKenya ay u geysay Nairobiay tahay qaabkii ay dowladaSoomaaliya mucaarad horleh ugu furi laheyd si qaskaiyo qalaan qulku uga siisocdo Soomaaliyamaamaada ay Kenya kufashilantay dhibaatadii ay kawaday Jubooyinka.Kenya horay waxa ay utaageertay Axmed Madoobeoo horay uga mid ahaaururro iyaga oo magacdiimeed wata dowlada uladagaalamayay hadana walirabsha wada isaga oo cududka dhiganaya dowladaKenya, waxaana dad badaniaaminsanyiniin in Kenya aydooneyo in MaxamedMacalim iyo ururkiisiihoraba ay ka dhigato kooxay ku ugaarato sida jabhadaRaaskanbooni oo Kenya aadugu caawisay qaska aySoomaaliya ka wado.Warar aan la xaqiijin ayaawaxa ay sheegayaan inKenya arinta MaxamedMacalim ay Nairobi u geysayay kala shaqeeyeenshaqsiyaad kamid ah kooxdaqas-wadayaasha ah ee ubadan madaxdii dalkaan soomartay hadana doonaya inay dumiyaan dowladacaalamku aqoonsanyahay eehada jirta.Ilo wareedyo Nairobi kusugan ayaa waxa aysheegeen in hoteelka uu kadeganyahay NairobiMaxamed Macalim oodowlada Kenya ay dejisay uukula suganyahay CaliMaxamed Geedi oo ah midkamid ah shaqsiyaadka ugucad cad raga loo bixiyay qaswadayaasha ee dowladadoonaya in ay ku afgenbiyaan si siyaadadi kujirto.Intaa waxaa sii dheer indowlada Ethiopia ay wax kaogtahay arinta maadaamaCali Maxamed Geedi uuxariir dhaw laleeyahaydowlada Ethiopia gacanweynna ay ka geysatay in uudalkaan R/wasaare kanoqdo, iyada oo la xaqiijiyayin sarkaalkii hogaamin jirayciidanka Ethiopia eeSoomaaliya ku sugnaasanadihii 2006-2007 ee lagumagacaabi jibay Gabre uu lasocday Cali Maxamed Geedixilli ay la shirayeen wadaaddiimeedka loo diyaarinayoin uu hogaamiyo mucaaradcusub.Si kastaba, arintaan ay iskakaashanayaan qas-wadayaasha, Kenya iyoEthiopia ayaa hadii aan sidhaqsa ah wax looga qabanwaxaa la filan karaa bur burku yimaada dowladaSoomaaliya in dalku uu kulaabto halkii uu ka yimid eeaheyn in qabiil waliba uumeel xirto hubna ka doontodowladaha deriska ah.Xigasho: caalamka.com

Xog la helay: Kenya, qas-
wadayaasha iyo Ethiopia
oo iska kaashanaya soo
nooleyneynta xisbigii
burburay ee Xizbul Islaami
(war bixin)
Wararka laga helaayo
magaalada Nairobi ee
xarunta dalka Kenya ayaa
waxa ay sheegayaan in uu
ku suganyahay halkaasi
Maxamed Macalim oo ahaa
sarkaal muhiim ahaa oo ka
tirsanaa Shabaab kadib
markii ururkoodii Xisbul
islaami si xoog ah
Shabaabku ku burburiyeen.
Warar soo baxaya ayaa waxa
ay sheegayaan in Kenya ay
dooneyso in dib loo soo
nooleeyo ururkii
hogaamiyahoodu u
xiranyahay dowlada
Soomaaliya kadib markii
gacanta lagu dhigay isaga
oo kasoo baxsaday
hogaamiyaha Shabaab
Axmed Cabdi Godane.
Maxamed Macalim oo horay
u ahaa xoghayaha arimaha
dibada ee ururkii Xassan
Daahir hogaamin jiray ee
Xizbul Islaami ayaa waxa uu
kamid yahay masuuliyiin aan
la ogeyn meel ay Shabaabka
uga bexeen waxaana dadka
indheer garadka ahi
sheegayaan in sababta
Kenya ay u geysay Nairobi
ay tahay qaabkii ay dowlada
Soomaaliya mucaarad hor
leh ugu furi laheyd si qaska
iyo qalaan qulku uga sii
socdo Soomaaliya
maamaada ay Kenya ku
fashilantay dhibaatadii ay ka
waday Jubooyinka.
Kenya horay waxa ay u
taageertay Axmed Madoobe
oo horay uga mid ahaa
ururro iyaga oo magac
diimeed wata dowlada ula
dagaalamayay hadana wali
rabsha wada isaga oo cudud
ka dhiganaya dowlada
Kenya, waxaana dad badani
aaminsanyiniin in Kenya ay
dooneyo in Maxamed
Macalim iyo ururkiisii
horaba ay ka dhigato koox
ay ku ugaarato sida jabhada
Raaskanbooni oo Kenya aad
ugu caawisay qaska ay
Soomaaliya ka wado.
Warar aan la xaqiijin ayaa
waxa ay sheegayaan in
Kenya arinta Maxamed
Macalim ay Nairobi u geysay
ay kala shaqeeyeen
shaqsiyaad kamid ah kooxda
qas-wadayaasha ah ee u
badan madaxdii dalkaan soo
martay hadana doonaya in
ay dumiyaan dowlada
caalamku aqoonsanyahay ee
hada jirta.
Ilo wareedyo Nairobi ku
sugan ayaa waxa ay
sheegeen in hoteelka uu ka
deganyahay Nairobi
Maxamed Macalim oo
dowlada Kenya ay dejisay uu
kula suganyahay Cali
Maxamed Geedi oo ah mid
kamid ah shaqsiyaadka ugu
cad cad raga loo bixiyay qas
wadayaasha ee dowlada
doonaya in ay ku af
genbiyaan si siyaadadi ku
jirto.
Intaa waxaa sii dheer in
dowlada Ethiopia ay wax ka
ogtahay arinta maadaama
Cali Maxamed Geedi uu
xariir dhaw laleeyahay
dowlada Ethiopia gacan
weynna ay ka geysatay in uu
dalkaan R/wasaare ka
noqdo, iyada oo la xaqiijiyay
in sarkaalkii hogaamin jiray
ciidanka Ethiopia ee
Soomaaliya ku sugnaa
sanadihii 2006-2007 ee lagu
magacaabi jibay Gabre uu la
socday Cali Maxamed Geedi
xilli ay la shirayeen wadaad
diimeedka loo diyaarinayo
in uu hogaamiyo mucaarad
cusub.
Si kastaba, arintaan ay iska
kaashanayaan qas-
wadayaasha, Kenya iyo
Ethiopia ayaa hadii aan si
dhaqsa ah wax looga qaban
waxaa la filan karaa bur bur
ku yimaada dowlada
Soomaaliya in dalku uu ku
laabto halkii uu ka yimid ee
aheyn in qabiil waliba uu
meel xirto hubna ka doonto
dowladaha deriska ah.
Xigasho: caalamka.com

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s