Uncategorized

Tahriibayaal Soomaali iyo Eriteriyan isugu jira oo ku geeriyooday dooni kula degtay Xeebaha Waddanka Talyaaniga Sabti, August 10, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo ka mid ah dad dooni ay kula dagtay xeebaha dalka Taliyaaniga ayaa dhintay kuwo kalena waa la badbaadiyay iyagoo khatar ugu jira inay dhintaan. Saraakiisha dalka Talyaaniga ayaa sheegay in doomo ay leeyihiin ciidamada badda Talyaaniga ay u gurmadeen tahriibayashaas ay la dagtay doonidii ay ku safrayeen, iyagoo badbaadiyay tiro tahriibayaal ah oo aan la cayimin. Tahriibayaasha dhintay iyo kuwa la badbaadiyay ayaa la sheegay inay kasoo jeedaan dalalka Soomaaliya iyo Eriteriya, ayna kasoo socdaaleen xeebaha dalka Liibiya si ay u gaaraan dalka Talyaaniga. Maalmo ka hor ayay ahayd markii tahriibayaal doonayay inay gaaraan dalka Talyaaniga ay qaarkood ku dhinteen xeebaha u dhexeeya Afrika iyo Yurub halka kuwo kalena uu badbaadiyay markab ganacsi oo halkaas marayay. Dhimashada tahriibayaashan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dhawaan ay Qaramada Midoobay sheegtay in sannadkan oo keliya ay gaareen xeebaha dalka Talyaaniga 7,800 oo tahriibayaal ah, kuwaasoo ka tagay xeebaha Afrika. Sidoo kale, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in sannadkii hore 2012 ay ku dhinteen xeebaha u dhexeeya Qaaradaha Afrika iyo Yurub in ka badan 500 qof oo isugu jiray rag iyo haween magan-galyo doon ah. Muhaajiriin fara badan ayaa sannad walba ka baxa xeebaha dalka Liibiya iyagoo gaara xeebaha Talyaaniga iyo jasiiradda Malta, waxaana jira in kuwo badan oo tahriibayaashaas ka mid ah ay badda ku dhintaan iyagoo qorshahoodu yahay inay tagaan Yurub. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

Tahriibayaal
Soomaali iyo
Eriteriyan isugu
jira oo ku
geeriyooday dooni
kula degtay
Xeebaha
Waddanka
Talyaaniga
Sabti, August 10, 2013
(HOL) — Ugu yaraan lix
qof oo ka mid ah dad
dooni ay kula dagtay
xeebaha dalka Taliyaaniga
ayaa dhintay kuwo kalena
waa la badbaadiyay
iyagoo khatar ugu jira
inay dhintaan.
Saraakiisha dalka
Talyaaniga ayaa sheegay
in doomo ay leeyihiin
ciidamada badda
Talyaaniga ay u
gurmadeen
tahriibayashaas ay la
dagtay doonidii ay ku
safrayeen, iyagoo
badbaadiyay tiro
tahriibayaal ah oo aan la
cayimin.
Tahriibayaasha dhintay
iyo kuwa la badbaadiyay
ayaa la sheegay inay
kasoo jeedaan dalalka
Soomaaliya iyo Eriteriya,
ayna kasoo socdaaleen
xeebaha dalka Liibiya si
ay u gaaraan dalka
Talyaaniga.
Maalmo ka hor ayay
ahayd markii tahriibayaal
doonayay inay gaaraan
dalka Talyaaniga ay
qaarkood ku dhinteen
xeebaha u dhexeeya Afrika
iyo Yurub halka kuwo
kalena uu badbaadiyay
markab ganacsi oo
halkaas marayay.
Dhimashada
tahriibayaashan ayaa
waxay kusoo beegmaysaa
iyadoo dhawaan ay
Qaramada Midoobay
sheegtay in sannadkan oo
keliya ay gaareen xeebaha
dalka Talyaaniga 7,800 oo
tahriibayaal ah, kuwaasoo
ka tagay xeebaha Afrika.
Sidoo kale, Qaramada
Midoobay waxay sheegtay
in sannadkii hore 2012 ay
ku dhinteen xeebaha u
dhexeeya Qaaradaha
Afrika iyo Yurub in ka
badan 500 qof oo isugu
jiray rag iyo haween
magan-galyo doon ah.
Muhaajiriin fara badan
ayaa sannad walba ka
baxa xeebaha dalka
Liibiya iyagoo gaara
xeebaha Talyaaniga iyo
jasiiradda Malta, waxaana
jira in kuwo badan oo
tahriibayaashaas ka mid
ah ay badda ku dhintaan
iyagoo qorshahoodu yahay
inay tagaan Yurub.
Maxamed Xaaji Xuseen,
Hiiraan Online

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s