Uncategorized

DAAWSAMWIRADA: GIDEYS BAXDO ARDO CADAKIBIR -Munaasabad xariga looga jaray M C H cusub oo laga furay GidO heys

DAAWSAMWIRADA: Munaasabad xariga looga jaray M C H cusub oo laga furay GidO heys

Published on April 6, 2013 by 

Munaasabadaani oo aheyd mid si heer saro ah loo soo agaasimay isla markaana xariga looga jaraarey (M C H) cusub oo laga furay deegaanka Gidheys kaasi oo ay hirgilisay Hay’ada Merlin oo ka mida ha’adaha ka howlgala deegaanada maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliin ka tirsan maamulka Ximan iyo dhaqaatiir iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Deegaanka Gidheys iyadoona sidoo kale munaasabada uu goob joog ka ahaa madaxa Hay’ada Merlin ee deegaanada Ximan iyo Xeeb.

Munasabada Xariga looga jarayey M C H cusub oo ku bilaabatay jawi xasiloon ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay madaxa Hey’ada Merlin ee deegaanada Ximan iyo xeeb C/casiis Xuseen Xasan waxaa uu sheegay inay sii balaari doonaan howlaha caafimaad oo ay deegaanada ka wadaan isla markaana ay xili kasto utaagayihiin sidii ay u horumari lahaayeen caafimaadka deegaanka.

Dhankooda qaar ka mida dhaqaatiirta ka howlgala isbitalka magaalada Cadaado ayaa sheegay inay ku faraxsanyihii in Gidheys laga furo xarun caafimaad isla markaana ay ka dhaqaatiir ahaan ay gacan siidoonaan sidii loosii wadi lahaa howlaha shaqo ee M C H-ka cusub.

Sidoo kale madasha waxaa ka hadlay Xoghayaha caafimaadka Ximan iyo Xeeb C/llaahi warsame Abtidoon waxaana uu sheegay inay soo dhaweynayaa furitaanka M C H-ka cusub ee laga furay Gidheys xili uu xusay inay mudooyinkaani danbe ay soo bateen dad aan aqoon laheyn isla markaana ku qaraabta xirfad aysan laheyn waxaana uu carabka ku dhiftay dad uu sheegay inay goobo caafimaad oo aan habooney deegaanka ka furay isagoona xusay inay la xisaabtami doonaan dadkaasi.

Ugu dabeyntii waxaa munaasabada soo xiray gudoonka sare ee Barlamanka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Faarax Sandheere waxaa uuna sheegay in maamulka Ximan iyo Xeeb uu garab taagayahay cidii sare uqaadeysa dhanka caafimaada ayna la shaqeynayaan isagoona kula dar daarmay Bulshadii kasoo qeyb gashay munaasabada inay ka shaqeeyaan ammaanka maadaama sida uu sheegay ammaanku uu yahay hooska kaliya ee la harsanaayo.

Sikastaba ha ahaatee Hey;ada Merlin oo iyadu M C H hirgilisay ayaa waxaa ay ka mid tahay Hey’adaha ugu shaqada badan deegaanada Ximan iyo xeeb marka loo eego dhanka waxqabadka maadaama ay waxyaabo badan ay ka fulisay deegaanka aynaa tahay Hey’ada gacanta ku heysa Isbitalka Guud ee magaalada Cadaadooo.

          Hoos Kadaawo Sawirada

25

1

5

4

6

9

11

13

15

16

18

20

22

24

7

8

10

12

14

17

21

23

Photo By Daahir Faarax

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s