Uncategorized

GABRE IYO QASWADAYAAL SOMALIA AH OO NAIROBI SHIR UGASOCDO

 

 

source allbanaadir.com

Wararka Laga helaayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in uu ka socdo kulan u dhaxeeyo Uqeybsamaha Itoobiya ee Somaliya Janeral Gabre iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Waxa la sheegay in hoteel kuyaalla Nairobi ay kulanka ku leeyihiin Gabre, xubna ka tirsan qaswadayaasha oo ay ka midyihiin Ra’iisalwasaarayaashii hore ee DKMG ahaa, Cali Maxamed Geedi iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Profesor Gaandi oo waayihii danbe halgan ugu jiray qaabkii ay u xidida siibi lahaayeen dowlada federal-ka Soomaaliyeed.

Hoteelka uu shriku ka socdo ayaa waxaa ku sugan Safiirka Dawlada Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Axmed C/salaan Xaaji Adan Hasa yeeshee lama oga waxay kawada hadlayaan Janeral Gabre iyo kooxda qaswadayaasha ee maanta shiraya.

Horay waxaa u soo baxayay warar sheegaya in qas-wadayaasha, Ethoipia iyo Kenya ay iska kaashanayaan qaabkii qaswadayaasha mucaaradnimadooda kor loogu qaadi lahaa iyada oo la adeegsanaayo ururkii bur-buray ee Xizbul Islaam.

Si kastaba, waxaa laga war sugayaa waxa uu ku danbeeyo kulanka ay hormuudka u yihiin Gabre oo hogaaminayay ciidamadii Ethiopia ee xasuuqa badan ka geestay dalka Soomaaliya iyo Cali Maxamed Geedi oo R. wasaare ka ahaa dowladii xiligii Ethiopianku shacabka Soomaaliyeed dhibaatada intaa la eg ay gaarsiinayeen.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s