Uncategorized

QARAXYO MANTA LALA EEGTEY AMISOM

Waxaa Maanta Magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye oo ka kala tirsan Gobolada Sh/Dhaxe iyo Sh/ Hoose siyaabo kala duwan uga dhacay qaraxyo miino oo lala eegtay gawaari ay wateen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay Magaalada Jowhar kaa oo la sheegay in uu ahaa Qarax miino nuuca Rimuudka laga koontaroolo waxaana lala eegtay gaari uu watay Sargaal katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya .

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ka dhacay Magaalada Jowhar waxaa ku dhaawacmay labo qof oo rayid ah , waxaana la tilmaamay in ay ka badbaadeen qaraxaasi Sargaalkii lala eegtay iyo ciidamo lasocday gaariga la qarxiyay.

Dhinaca kale Qarax Miino ayaa isla manta ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose kaa oo isna lala eegtay sida Goob joogayaal ku warameen gawaari ay lahaayeen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Lama shaacin wax qasaaro ah oo ka dhashay Qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM , waxaana Qaraxa kadib Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM halkaasi kasameeyeen howl galo aan la xaqiijin cida lagu soo qab qabtay.

Qaraxyada iyo Dilalka Qorsheesan ayaa mudooyinkan dambe ahaa kuwa ka dhaca Deegaanada iyo Gobolada ay Dowlada Soomaaliya ay gacanta ku heyso, waxaana inta badan Masuuliyada Qaraxyada iyo Dilalka dhaca Sheegta Dagaalyahanad Al-Shabaab

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s