Uncategorized

SHARIIF C.NUUR (SHAFKA) OO TALOOYIN SINAYA XIMAN IYO XEEB

Danta Gobolka Xeeriya xoojiya Midnimadiina talo siinta Ximan iyo xeebta cusub iyo kafaalaynta Taariikhdii hore. Q1

Published on July 29, 2013 by Maamulka Ximan iyo xeeb  ayaa soo maray Marxalado aan qaarkood  ku eegi doono Maqaalkan kooban ee aan ugu talo galay in aan xasuusino dadka ku abtirsada Deegaanku in ay adkeenyaan Nabada deegaanka oo ah mid ay ka sooman yihiin deegaano  aan ximan iyo xeeb ka dheerayn.

Taariikh kasta oo laga sheekeeyo waxaa ku jira xikmad ku tusinaysa qaabka ay tahay nolosha xiligaasi ay joogto iyo isbadalka taariikhda kadib ka jirta meesha taariikhdu qusayso.

Inkastoo dhulka looyaqaan ximan iyo xeeb uu yahay mid taariikh durugsan ku leh gobolada dhexe iyo guud ahaan soomaaliya waxaan maqaalkan uga sheekayndoonaa inta uu ka jiro maamulka hada loo yaqaan ximan iyo xeeb.

 

Bishii March 22 ee Sannadkan 2008 ayay aheyd markii ay kulan ku yeesheyn Imaaradda carabta Sharjah(Shaariqa) Qurbajoogta, Waxgaradka, Culumaa’udiin-ka, Aqoonyahanadda, Haweyn-ka iyo Dhalinyaradda Beesha reer Xaaji Saleebaan.

Ujeedka Kullankaas ayaa ahaa sidii loo sameyn lahaa Maamul ay yeeshaan dadka ku abtirsadda Beesha Reer Xaaji Saleebaan iyo waliba in la helo nabad iyo daris wanaag dhax mara beesha iyo Qabiiladda kalle ee ay wada dagaan Gobalka Dhaxe ee dalka ayadoo Sidoo kallena  ay isla garteen in yeeshaan Nidaam  Maamulbeleed  waafaqsan Diinta Islaam-ka.

Isla kulan kaasi iyo kuwa kale oo ka horeeyay ayaa looga hadalayay sidii maamul looga samayn lahaa dhulkaasi ayadoo kulankii ugu danbeeyay ee qurba joogta ee ka dhacay dalka Kenya ay soo wakiisheen qaarka mid ah xubnihii abaabulayay shirarka dalka dibadiisa ka dhacayay bal aan eegno maxaa dhacay shirarkii dibada ka dib.

Bishii 4 ,aad  ee sanadkii 2008 horeenteedii ayaa qorba joog ku soo dhiiratay deegaanka oo ay ka jirtay qalalaaso colaadeed iyo baahi abaar aad u daran  waxay cuta Karin iyo biyo dhaamin ka sameeyeen deegaano  aad u balaaran oo hada lagu magacaabo ximan iyo xeeb.

Gurbajoogtaasi waxay qaylo dhaan gurmad dhaqaale lagu badbaadinayo nafta kumanaan abaari halagaysay u sameeyeen  ganacsatada guddaha soomaaliya iyo qurba joogta deegaanka ee ku xeeran caalamka taasi oo ahayd taariikh baaldahab ah u gashay dadka ka soo jeeda deegaanka kadib markii ay ka bilaabeen  halkaasi Camam ama goobo cuntada lagu kariyo dadkana lagu siiyo, waad dareemi kartaa bulsho gaartay in hal goob ah cunta lagu kariyay ay fayl ama saf u galaan  bac raashin yari ku xiran yahayna gacanta hoorsadaan.

Taariikhdu waa mid u baahan in la xuso shaqsiyaadkii goobtaasi dadka ugu hormaray dhibaatada qarsoonaydna soo saaray waxaan ku tilmaami lahaay geesiyaal dadkooda u dagaalamay.

Aan xuso Magacayadda Iqyaarta aad taqaanaan laakiin aan idin xasuusinayo

  1. Maxamed Macalin Aadan Tiiceey   (USA)
  2. Maxamed Cumar Jimcaale    (UK)
  3. Axmed Xuseen Jimcaale       (UK)
  4. Cabdullahi Sheikh Axmed      (CANADA)
  5. Cabdullahi Salaad Dhoolayare  (DUBAI)

Xiligaasi waxuu ahay xiligii biyadhaaminta iyo raashin Karinta wuxuu ahay xili tusaale u ah deegaanka waxaana gurmadkaasi uu ahay kii ugu horeeyay ee bulshada ximan iyo xeeb ee qurbaha ku nool iyo kuwa gudaha ku nooli siwada jir ah uga wada qayb qaataan.

Kagadaal mudo kooban ay socdeen   Biyadhaaminta  iyo sahankii deegaanka ay ku tageen qurba joogta lagu soo xulay shirarkii kala danbeeyay ee sanadii 2007-ilaa bilowgii 2008  ka dhacay  Maraykanka, Yurub ,Duabi iyo Kenya ee magacooda aan kur ku soo xusnay waxay soo xaqiijiyeen in ay lama huraan tahay in la sameeyo maamul looga warqabo Nabada iyo nolosha bini aadnimo ee ka jirta deegaankaasi.

Waxaa ka  bilowday gudaha deegaanka waxgaradka iyo qurbajoogtii  shirar iyo isweydiimo suuragalnimada in la sameeyo maamul ay beelihu ku midaysanyihiin  oo laga xirgaliyo deegaanka ximan iyo xeeb.

Kadib wada tashigaasi waxaa shirweyne lagu qabtay Magaalada  Cadaado halkaasi oo lagu casuumay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horeeyaan Culima udiinka , odayaasha dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kale.

Hadii aan dib ugu laabto Bila kooban ka hor xiligaasi waxaa deegaanka maamulayay Midowgii maxkamada  waxaa uga danbeeyay Ciidamadamo taageersan Ethopia  oo fariisin ku lahay deegaanka diyaano ee duleedka Magaalada Cadaado iyo burburkii maxkamadaha oo laga dhaxlay saldhigyo ciidamada horay uga wada tirsanaa maxkamadihii islaamiga isla markaana aan isku siyaasad iyo hadaf ahayn.

Waxaa ka xusikarnaa Ciidamadaasi  ku kala dagaalamaya mayacyada xarakiga ah

  1. Jamhatul islamiya ama   JABISO
  2. Xisbulislaam
  3. Al-shabaab

Dhamaan waxay ka mid ahaayeen haraagii midowgii maxkamadaha ee taliska weyn ku lahay cadaado sanadii 2006.

Hadaan intaa uga gudbo taariikhdaasi  una soo laabto qormadaydii waxaa lama huraan noqotay in dhamaan qaybahaasi ururada dagaalama laga tala galiyo maamul samayntaasi  waxaa dadaal dheer kadib lagu qanciyay in ay ogolaadaan ka mid ahaashaha ama jiritaanka Maamulka cusub ee loo yagleelayo deegaanka.

Bishii 5,aad ee 2008 waxaa qabsoomay shirweyne ay ka soo qayb galeen dhamaan deegaanada ximan iyo xeeb oo waxaradka intooda badan la isugu keenay  si ay uga arinsadaan maamulkaasi iyo sidii looga dhigi lahay mid ka shaqeeya deegaanka.

Ergooyinkii shirkaasi ka soo qayb galay waxay hoosta ka xariiqeen in Maamulkaasi dhisitaankiisa ay ka qayb qaataan waxaana siminaaro dadka lagu tusayo in ay wax doortaan looga furay Magaalada cadaado ayagoo adayaasha beesha kuwoodii ugu waawaynaa la isugu keenay cadaado.

Bishii May 4 ee isla sanadkii 2008, Deekaanka Cadaado lagu ansixiyay Maamul goboleedka  loogu magac dharay Ximan & Xeeb. Iyadoo Xarunta Maamulkana laga dhigay isla Magaalada  Cadaado oo lagu ansixiyay.

Xafladii maamulkaasi lagu magacaabay waxaa ka soo qayb galay  dhamaan gugaamiye beeleedyada Deegaanada dariska la ah Ximan iyo xeeb ayagoo curashada maamulkaasna si wanaagsan looga soo dhaweeyay Gobolada dhexe.

 

inkastoo xili kordhin jirtay sanadii 2010 kii hadana ma jirin wax isbadal maamul ah oo dhacay waxaa un shaqadii siiloo kordhiyay maamulkii markii hore la sameeyay madaxdii majaraha u haysay.

 

DHISMIHII MAAMULKA KADIB MAXAA DHACAY

 Guulaha maamulkii hore iyo bulshada reer cadaado ku faaneen waxaa ka mid ahay

  1. Maamulka ximan iyo xeeb wuxuu ku guulaystay ladagaalanka Dilalka Beesha ximan iyo xeeb dhexdeeda ka dhicijiray waxaana la sameeyay maxkamad Sare  ayadoo lagu heshiiyay in cidii cidkale disha  maxkamad shareecada islaamka ah lagu qaadayo.
  2. Sidoo kale waxaa maamulkaasi ku guulaystay meel kuwada noolaashaha dhamaan siyaasadaha is diidan ee dalka ka kira.
  3. Abuurida magac ay ku qanacsan yihiin dhamaan gudaha iyo dibada dadka u dhashay reer Ximan iyo xeeb,
  4. Nabad iyo daganaasho deegaano ka mid ah Ximan iyo xeeb oo dadku ay gaareen  kalsooni nabad galyo wanaagsan oo ay ku dhisan karaan qaybaha adeegyada bulshada  iyo urumarinta aas aasiga ah sida wax barashada iyo caafimaadka iyo waxyaaba kale.
  5. Sara u daadida Siyaasada  Maamulka ee dhanka Dowlada Soomaaliya iyo bulshada gobolada dhexe Halka ganacsatagu ku guulaysatay sara u qaadida ganacsiga oo deegaanka u kenay sumcad iyo magac dheer oo amaan iyo sharafba u ah deegaanka

Inkastoo maamulkii hore ee Ximan iyo Xeeb ku guulaysteen adeegyo taariikhda baalwanaagsan ka galay hadana waxaa culays balaaran ka jiray dhanka siyaasada deegaanka gudihiisa iyo qaabka shaqo ee waaxa maamul qaarkood.

Qaybta middaani xigta ayaan ku eego doonaa waxyaabihii maamulkii hore ku cuslaaday in ay ku guulaystaan loogana fadhiyo maamulka  cusub

waaw

WQ: shariif C.nuur Xassan (SHAFKA)

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s