Uncategorized

Bashir FarayareshopTadhaseShirkii Dowladda Somalia iyoJubbaland uga socdayMagaalada Addis Ababa eedalka Itoobiya oo heshiisbuuxa lagu gaaray Arbaco,August 28, 2013 Shirkiitoddobaadyadan ugasocday magaalada AddisAbaba ee dalka Itoobiyaergooyin ka kala socdaydowladda Somalia iyomaamulka Jubbaland ayaalagu gaaray heshiis buuxa,iyadoo lagu wado inergooyinka ay si rasmi ahu saxiixaan heshiiskangellinka dambe ee maantaoo Arbaco ah.Ilo wareedyo ay la xiirtayHOL ayaa xaqiijiyay inqodobki maalmihii ugudambeeyay la isku hayaheshiis laga gaaray,kuwaasoo ahaa ciddamaamulaysa garoonkadiyaaradaha iyo dekeddamagaalada Kismaayo.Maamulka ilahadhaqaalaha Kismaayoayaa waxaa lagu heshiiyayinay lix bilood uumaamulo maamulka lasameynayo ee Jubba,kaasoo uu madax u yahay,Sheekh Axmed MaxamedIslaam (Sheekh AxmedMadoobe) markaaskaddibna loo sameeyoguddi wadajir ah oomaamula.Qodobbada kale ee laguheshiiyay ayaa waxaa kamid ah ciidankamaamulkii hore eeJubbaland la qarameeyoiyo in shir dib u heshiisiinah lagu qabto magaaladaMuqdisho ee xaruntaSoomaaliya.Heshiiskan ayaa wuxuumeesha ka saarayaakhilaafkii siyaasadeedsalka ku haya jiritaankamaamulka Jubbaland oo udhexeeya dowladdaSoomaaliya iyo xubnahamaamulkaashoggaaminayay.Ergooyinka labada dhinacayaa waxay heshiiskan sirasmi ah u saxiixayaaninta u dhexeysa 2:00 illaa3:00 galabnimo ee maanta,waxaana ku bixisaydadaal fara badan inlabada dhinac ayheshiiskan gaaraandowladda Itoobiya, iyadoodhowr jeer uu shirku kusigtay in lagu kala kaco.Xubnaha shirkan sidaweyn uga dhex muuqdayayaa waxaa ka mid ah, Sh.Axmed Madoobe, Prof.Maxamed Cabdi Gaani iyora’iisul wasaarihii hore eeSoomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arkeoo dhinaca Jubbaland kasocday.Sidoo kale, dhinacadowladda Soomaaliyawaxaa shirkaas si weyn ugdhex-muuqday dajirahaSoomaaliya u fadhiyadalka Britain, Sanbololshe,wasiir-u-dowlahamadaxtooyadaSoomaaliya, FaaraxSheekh C/qaadir iyo lataliyaha dhinacasiyaasadda eemadaxweynahaSoomaailya, C/raxmaan C/shakuur Warsame.Tan iyo bishii May eesannadkan markaasoolagu dhawaaqaymaamulka uu madaxda kayahay Sheekh AxmedMadoobe, waxaa jiraymuran siyaasadeed udhexeeyay dowladda iyomas’uuliyiintamaamulkaas, inkastooheshiiskan uu soo af-jarayo dhammaanmurankaas.

Bashir Farayareshop
Tadhase
Shirkii Dowladda Somalia iyo
Jubbaland uga socday
Magaalada Addis Ababa ee
dalka Itoobiya oo heshiis
buuxa lagu gaaray Arbaco,
August 28, 2013 Shirkii
toddobaadyadan uga
socday magaalada Addis
Ababa ee dalka Itoobiya
ergooyin ka kala socday
dowladda Somalia iyo
maamulka Jubbaland ayaa
lagu gaaray heshiis buuxa,
iyadoo lagu wado in
ergooyinka ay si rasmi ah
u saxiixaan heshiiskan
gellinka dambe ee maanta
oo Arbaco ah.
Ilo wareedyo ay la xiirtay
HOL ayaa xaqiijiyay in
qodobki maalmihii ugu
dambeeyay la isku haya
heshiis laga gaaray,
kuwaasoo ahaa cidda
maamulaysa garoonka
diyaaradaha iyo dekedda
magaalada Kismaayo.
Maamulka ilaha
dhaqaalaha Kismaayo
ayaa waxaa lagu heshiiyay
inay lix bilood uu
maamulo maamulka la
sameynayo ee Jubba,
kaasoo uu madax u yahay,
Sheekh Axmed Maxamed
Islaam (Sheekh Axmed
Madoobe) markaas
kaddibna loo sameeyo
guddi wadajir ah oo
maamula.
Qodobbada kale ee lagu
heshiiyay ayaa waxaa ka
mid ah ciidanka
maamulkii hore ee
Jubbaland la qarameeyo
iyo in shir dib u heshiisiin
ah lagu qabto magaalada
Muqdisho ee xarunta
Soomaaliya.
Heshiiskan ayaa wuxuu
meesha ka saarayaa
khilaafkii siyaasadeed
salka ku haya jiritaanka
maamulka Jubbaland oo u
dhexeeya dowladda
Soomaaliya iyo xubnaha
maamulkaas
hoggaaminayay.
Ergooyinka labada dhinac
ayaa waxay heshiiskan si
rasmi ah u saxiixayaan
inta u dhexeysa 2:00 illaa
3:00 galabnimo ee maanta,
waxaana ku bixisay
dadaal fara badan in
labada dhinac ay
heshiiskan gaaraan
dowladda Itoobiya, iyadoo
dhowr jeer uu shirku ku
sigtay in lagu kala kaco.
Xubnaha shirkan sida
weyn uga dhex muuqday
ayaa waxaa ka mid ah, Sh.
Axmed Madoobe, Prof.
Maxamed Cabdi Gaani iyo
ra’iisul wasaarihii hore ee
Soomaaliya, Cumar C/
rashiid Cali Sharma’arke
oo dhinaca Jubbaland ka
socday.
Sidoo kale, dhinaca
dowladda Soomaaliya
waxaa shirkaas si weyn ug
dhex-muuqday dajiraha
Soomaaliya u fadhiya
dalka Britain, Sanbololshe,
wasiir-u-dowlaha
madaxtooyada
Soomaaliya, Faarax
Sheekh C/qaadir iyo la
taliyaha dhinaca
siyaasadda ee
madaxweynaha
Soomaailya, C/raxmaan C/
shakuur Warsame.
Tan iyo bishii May ee
sannadkan markaasoo
lagu dhawaaqay
maamulka uu madaxda ka
yahay Sheekh Axmed
Madoobe, waxaa jiray
muran siyaasadeed u
dhexeeyay dowladda iyo
mas’uuliyiinta
maamulkaas, inkastoo
heshiiskan uu soo af-
jarayo dhammaan
murankaas.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s