Uncategorized

Wararkii Ugu Dambeeyay Waxyaabaha qarxa oo saakay lagu arkay inta u dhaxeysa KM-4 iyo KM-5 iyo Xaalada hada sida ay tahay

Image  

Ciidamada Booliska Dowlada Somaia ayaa saaka muddo kooban xiray wadada isku xirta labada isgoys ee Km4 iyo Zoope ee magaalada Muqdisho ka dib markii lagu arkay miino wadada dhinaceeda lagu qariyey.

Miinadan oo tiilay meel ku dhow agagaarka xarunta Hargaha iyo saamaha ayaa markii la ogaaday waxaa wadada laga xiray labada dhinac, iyadoo loo diiday iney maraan gaadiidka iyo dadka socotada ah intaba.

Ciidamada AMISOM oo alkaas gaaray ayaa ku guuleystay iney qarxiyaan miinadaas iyadoo aan waxyeelo geysan sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen.

Wadada isku xirta labada isgoys ee Km4 iyo KM-5 ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badan caasimada ayaa dib loo furay markii miinada la qarxiyey ka dib iyadoo haatan gaadiidka iyo dadweynahaba ay si caadi ay u isticmaalayaan.

Xaalada ayaa hada ah mid caadi ah waxaana dib loo fasaxay gaadiidka iyo dadweynaha wadadaasi muiimka ah isticmaalayay , iyadoona xusid mudan tahay in la qabtayNinkii dhigay waxyaabaha qarxa ee la fashiliyay.

Ma jiro war ku saabsan arintan oo ka soo baxay saraakiisha Booliska, hase ahaatee waxay ku soo aadeeysaa xili xalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo aad u fara badan iyo madaafiic lagu weeraray goobo kala duwan source allbanaadir.com

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s