Uncategorized

SOMALI PIRATES HOLDING AN #AMERICANJOURNALIST DISPLAY SEE MORE PHOTOS

Kooco Burcad badeed Soomaali ah ayaa soo bandhigay Muuqaalka Wariye Asalkiisu mareykan yahay balse heesta Dhalashada Dalka Jarmalka kaa ay ka afduubtay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo taariikhdu marka ay aheed 21-bishii Janaayo 2012.

Wariyahan oo lagu magacaabo Micheal Scott Moore ayaa xiligan kusugan xaalad halis ah waxaana lasoo bandhigay Sawiro laga soo qaaday isaga oo dhinacyada ay ka taagan yihiin dabley hubeesan qoryahana ku taagaya Wariyahan la heesto.

Micheal Scott Moore oo la hadlay wariyaal ku booqday halka lagu heesto ayaa sheegay in xaaladiisa ay halis ku jirto waxa uuna codsi u diray Qaramada Midoobay iyo bulshada Caalamka kuwaa oo ka codsaday ka qeyb qaadashada sii deyntiisa.

“Anigoo ah Micheal Scott waxaan QM iyo Beesha caalamkaba ka codsanayaa inay soo caawiyaan oo iga bad baadiyaan kooxaha afduubka ii heysta , xaqiiqdii waxaan ku noolahay nolol halis badan waan cabsanayaa xili walbo in la dilo ayaana halis ugu jiraa ” ayuu yiri Wariyahan oo dareen naxtin leh wajigiisa laga dheehanayay.

Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee wariyahan Afduubka u heesta ayaa marar kala duwan dalbaday in la siiyo lacago madax furasho ah ay kusiidaayaan Wariyahan hadii kale ay dili doonaan , mana jiro ilaa hada jawaab cad oo ka timid Dowlada Mareykanka uu ninkaan asal ahaan kasoo jeedo. SOURCE ALLBAANIR.COM







 

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s