Uncategorized

DEG DEG:-Daawo Sawiro Gaari Qaraxyo Ka Buuxeen oo Ciidamada Nabad Sugida Gacanta ku Dhigeen+SAWIRO

DEG DEG:-Daawo Sawiro Gaari Qaraxyo Ka Buuxeen oo Ciidamada Nabad Sugida Gacanta ku Dhigeen+SAWIRO

Oct 1, 2013 – jawaab

 

Ciidamada Nabad Sugida Qaranka oo kaashanaya Hay’ada Miino Baarista Mine Action ee Qaramada Midoobey ayaa waxay iyagu ku guuleysteen gaari laga shakisanaa inay la wareegaan dadkuna ay ka cabsi qabeen inuu qarax fuliyo.

Ciidamada ayaa xiray hareeraha meesha qaraxa uu yaallay iyadoo gaadiidka Nuuca C/bilaha loo yaqaanay wadada lagu jaray loona diiday dadka iyo baabuurtaba inay isticmaalaan waxaana gaariga uu yaallay gaariga Barxada Iskaashatooyinka oo ku dhaw Guriga Hooyooyinka. XIGASHO

13

Ciidamada ayaa gudaha ugalay gaariga kana soo bixiyey jawaano iyo baco qashin badan ka buuxeen iyadoo loo maleynayo inay farsamadii qaraxa ay ahaayeen inkastoo dadka aan loo ogolaan inay dul tagaan.

1

Laamaha Amaanka ee gaarigaasi gacanta ku hayey ayaa baaritaano badan kadib wixii laga soo saaray waxay ku celiyeen gudaha gaariga kadibna waxay ukaxeysteen Xarunta Nabad Sugida Habar Khadiijo ee magaalada Muqdisho.

2

Wali dadku waxay xasuustaan qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay meeshaasi baabuurka maanta lagu arkay ee maqaayada The Village qeybta hoose ee Guriga Hooyooyinka ku taalla waxaana cabsi badan ay gelisay arintaasi shacabka kusugnaa galabta halkaasi.

4

Wariyaheena Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegaya in hadda xaaladu ay kusoo laabatay jawi caadi ah dibna loo fasaxay baabuurtii iyo dadkaba iyadoona gaarigii looga shakiyey qaraxa laga waday goobta.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s