Uncategorized

Dhageyso:- Dhalinta Sportga Magaalada Cadaado Oo Cabsho ka Muujiyay Hogaankooda Sports-ka Soona Qabanqaabiyay Koob Ay Ugu Magacdareen Koobka Kabtanada

Dhageyso:- Dhalinta Sportga Magaalada Cadaado Oo Cabsho ka Muujiyay Hogaankooda Sports-ka Soona Qabanqaabiyay Koob Ay Ugu Magacdareen Koobka Kabtanada

Published on September 30, 2013 by 

30–09–2013–Cadaado Sports—————–Kabitaanayasha naadiyada Kuba Cagta Ee Ka dhisan Magaalada Cadaado Ee Caasimada Dowlada Goboleedka Ximan iyo Xeeb Ayaa Soo Qabanqaabiyay Koob Loogu Magacdaray Koobka Kabtana Naadiyada Magaalada Cadaado Kaasi oo Ay Ciyaari Doonaan Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Ciyaara Horyaalka Magaalada Cadaado.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARASIGA OO FAAHFAAHSAN 

 

Sharmaake Maxamed Sheekh,Axmed Nuur Cali Salaaf,Yaxye Maxamed Wardheere,Muqtaar Mire Nashaad Oo Dahmaantood Ah kabiyaanayaasha Naadiyada G-Star,Baleen For, Haraale,Bakiin Ayaa Ah Kabitaanayasha Ama Dhalinta U Istaagay in ay Qabtaan Koobkaan Oo ay Ciyarayaan dhamaan Naadiyada ka dhisan Magaalada cadaado Kuwaasi oo ka Ciyaara Ilaa iyo Sadex Heer Ciyaareed Laga Soo Boilaabo Ser’C Ilaa iyo Ser’A.

 

DSC04874
Shaqsiyaad Kaan Ayaa Sheegay in ay yihiin Dhalin Xiiseysa Ciyaarida Ku bada cagta Balse Aysan Jirin maamul Sport Oo Ku garabtaagan Rabitaankooda Sida Ay Hadalka U Dhigeen.

 
Wixii ka dambeeyay Koobkii Ramadaan Ee Loo Qabtay Kooxaha kubada Cagta Ee Ka dhisan magaalada Cadaado Ayaa Waxaan Jirin Mid Ka Dambeyay Oo Loo qabtay Iygoona Dhlintu Ay ka Dhigeen Arintaasi Sababta Ugu weyn Ee Ku Qasabtay Qabashada Koobkaan.

 
Kabitaanayaashaan Oo Aan ka waraystay habka Ay U wadaan Koobkaan Ayaa Ii Sheegay In Ay Hada Soo gaba Gabeeyeen Heer Ciyaareedka Ugu Hooseeya Bartamahana Ay Ugu Jiraan Ser’Bda Sidoo kalana Ay Jecelyihiin In Koldhow Furaan Heerka Koowaad Ee Ser’A’da.

 

DSC04873
Maamulka Sport ga Ee Magaalada Cadaado ee Caasimada Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb Ayaa lagu dhaliilay Shaqadiisa Iyadoona Haatan Dhalintu aysan Ku Qanacsaneyn Hogaanka Sport ga Ee Magaalada Cadaado.

Dhalinta sportga Ee Magaalada Cadaado Ayaa Kacabanaya In aan Wixii Ka Dambeeyay Badalkii Hogaankii Hore ee Sportga Aysan Ciyaarin Kulamo Caalami ah Oo Ay Matalayaaan Qaranka Ximan iyo Xeeb.

DSC04872

Dhalintaan Oo  Ay ka Muuqatay Jeclaanta Hormarka Sportga Ee Ximan iyo Xeeb Ayaa Sheegay In ay Iyagu Isku Tashteen Una Istaageen Hormarinta Sportiga Iyaga oo Cuskanaya In aysan Jirin Wax U taagan Hormarinta Sportga.

Si Kastaba Wxii Ka Horeeyay Hogaanka Sportiga Ee Haatan  Ayaa Sportga Ximan iyo Xeeb Waxaa Lagu Tilmaami Jiray Kan Ugu Caalami San Ee Ka jira Gobolada dhex ee Bartamaha Soomaliya.

Waxaa Qoray: C/Fitaax  Axmed Cali (Shiino)

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s