Uncategorized

Faahfaahin kasoo baxeyso Qarax gowr dhow lala eegtay Guddoomiyaha Magaalada marka. (Warbixin)Gudoomiye Yariisow waxa uu sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen Al shabaab mar walbana ay ku dadaalayaan sidii amniga ay khal khal ugelin lahaayeen isagoo tibaaxay inay jirto qof shacab ah oo isna waxyeelo qaraxii maanta ka dhacay magaalada Marka. source allbanaadir

Faahfaahin kasoo baxeyso Qarax gowr dhow lala eegtay Guddoomiyaha Magaalada marka. (Warbixin)  

Warka iminka naga soo gaaraya Magaalladda Marka ayaa sheegaya in gowr dhow Qarax xoogan lala Eegtay Guddoomiyaha Magaalada marka Maxamed Cusmaan Yariisoow Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Sh/hoose.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa mid qabsaday dhagaha Shacbiga Marka, waxaana la soo sheegayaa in lala beegsaday Gaari uu watay Guddoomiyaha, iyadoona mid ka mid ah ilaaladiisa uu dhaawac soo gaaray iyo qof shacab ah oo iyana dhaawac soo gaaray.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Guddoomiyaha uu Qaraxaasi ku dhaawacmay, balse ay Ciiddamadda Ammaanka Magaalladaasi qariyeen, walow ay wararku sheegayaan in dhaawacaasi uu yahay mid sahlan.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Magaalada marka Maxamed Cusmaan Yariisoow, ayaa waxa uu beeniyay inaysan jirin qarax isaga lala beegsaday hayeeshee mid ka mid ah istaafkiisa gaarka ah uu ku dhaawacmay qarax lagu weeraray isagoo wadada dhinaceeda socda Xaafada Beytul Raas sida uu yiri.

Gudoomiye Yariisow waxa uu sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen Al shabaab mar walbana ay ku dadaalayaan sidii amniga ay khal khal ugelin lahaayeen isagoo tibaaxay inay jirto qof shacab ah oo isna waxyeelo qaraxii maanta ka dhacay magaalada Marka. source allbanaadir

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s