Uncategorized

Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb oo U Ambabaxay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb C/laahi Cali Maxamed Kadiye Baarleex Ayaa Maanta Ka Ambabaxay Magaalada Cadaado Ee Caasimada Dowlad goboleedka Ximan iyo Xeeb.

C/laahi Cali Maxamed Kadiye Baarleex Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Ayaa Waxa uu Ku Siijeedaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka Soomaaliya Halkaa Oo Uu Utagi Doono safarasho.

Madaxweynaha Socdaalkiisa Ayaa Imaanya Iyadoo Wafti Uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed Suldaan Axmed Uu  Safar Ugu maqan Yahay Gobolka Xeeb.

Sidoo Safarka Madaxweynaha Ayaa Ku Soo aadaya Xili Maxamed Cabdi Xasan Afweyne Oo ah  Ganacsade Reer Ximan iyo Xeeb ah Islamarkaana Ku eedeysan Falal Burcad-badeednimo Iyo Madaxweynihii Hore ee  Dowlad Goboleedka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/laahi Macalim Aadan Tiiceey Ay Ku Xiran yihiin Magaalada Brussels Ee Caasimada Wadanka Belgium Ka.

Madaxweynaha Ayaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Cadaado Waxaa Ku Sii Sogootiyay qaar Ka Mid Ah Masuuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb Iyo Qeyba Ka Mid Ah Bulshada Ximan iyo Xeeb Ee Ku dhaqan magaalada Cadaado Ee Caasiamda Ximan iyo Xeeb.

Si Kastaba Madaxweynaha Ayaa lafilayaa In maalmo Kooban Uu Soojoogi Doono Magaalada Muqdisho Isagoona Dib Ugu Soo Laaban Doona Magaalada Cadaado.

Waxaa Qoray: C/Fitaax Axmed Cali (Shiino)

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s