Uncategorized

November 05 2013 16:34:00 Latest Media Daawo Wareysi Raiis… [05-11-2013 00:03] Daawo Soomaali maxk… [04-11-2013 23:52] Daawo Muuqaal afar … [04-11-2013 19:37] Daawo Muuqal Ahaan … [04-11-2013 19:28] Daawo Nin Ereteriy… [04-11-2013 19:18] Daawo wacdaraha uu … [04-11-2013 00:08] Daawo Buuq ka dhash… [03-11-2013 23:57] Walaalka wiil Sooma… [03-11-2013 00:22] Daawo Maleeshiyaad … [01-11-2013 22:45] Daawo yaabka dhacay… [01-11-2013 22:37] Sheekh Axmed Madoobe iyo Axmed Diiriye oo xalay is cafiyay xabadkana isa saaray Waxaa Xalay Xaflad casho sharaf ah uu soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ka dhacday Magaalada Muqdidho, waxaana Xaflada ku kulmay Odayaal iyo xubno siyaasad ahaan aad u kala fogaa kuwaa oo hada u muuqda kuwa isku soo dhawaanaya. Xaflada Xalay lagu qabtay Mid kamid ah Hoteelada Muqdisho ayaa si gaar ah waxaa ugu kulmay hadalana uga jeediyay Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)iyo Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali. Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa isagu kamid ahaa xubno si weyn uga soo horjeeday Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo ka arimiya waxa uuna inta badan usoo jeedin jiray eedeemo iyo dhaliilo kala duwan uu maamulkaasi ku weerarayo. Axmed Diiriye oo Khudbad ka jeediyay Kulankii casha sharfta ee Xalay Muqdisho lagu qabtay ayaa soo dhaweeyay shirka hada Muqdisho kasocda sidoo kale waxa uu xusay in uu raali ka yahay Maamulka uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe. Afhayeenka ayaa ka codsaday Axmed Madoobe iyo dadkii kale ee Madasha fadhiyay in ay ka cafiyaan waxii hadalo qadaf u muuqan karay uu ku weeraray Maamulka Jubba, isaguna waxa uu xusay in uu cafiyay cid alle cidii uu wax ka tabanayay. Sheekh Axmed Madoobe oo isna hadal jeediyay ayaa xusay in waxii hore laga gudbay iminkana muhiim tahay in la waalaaloobo oo midnimada umada Soomaaliyeed laga shaqeeyo waxii dhacayna laga gudbo. Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe iyo Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa xalay lagu arkayay halka ay kasocotay Xaflada Casho sharafta ah iyaga oo gacmaha is heesta xabadkana isa saaraya taa oo muujineysa in waxii horey uga dhaxeeyay labada dhinac xalay dhalay laga soo qaaday.

November 05 2013 16:34:00  

  Latest Media  
 Daawo Wareysi Raiis…
[05-11-2013 00:03]
 Daawo Soomaali maxk…
[04-11-2013 23:52]
 Daawo Muuqaal afar …
[04-11-2013 19:37]
 Daawo Muuqal Ahaan …
[04-11-2013 19:28]
 Daawo Nin Ereteriy…
[04-11-2013 19:18]
 Daawo wacdaraha uu …
[04-11-2013 00:08]
 Daawo Buuq ka dhash…
[03-11-2013 23:57]
 Walaalka wiil Sooma…
[03-11-2013 00:22]
 Daawo Maleeshiyaad …
[01-11-2013 22:45]
 Daawo yaabka dhacay…
[01-11-2013 22:37]
     
  Sheekh Axmed Madoobe iyo Axmed Diiriye oo xalay is cafiyay xabadkana isa saaray  

Waxaa Xalay Xaflad casho sharaf ah uu soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ka dhacday Magaalada Muqdidho, waxaana Xaflada ku kulmay Odayaal iyo xubno siyaasad ahaan aad u kala fogaa kuwaa oo hada u muuqda kuwa isku soo dhawaanaya.

Xaflada Xalay lagu qabtay Mid kamid ah Hoteelada Muqdisho ayaa si gaar ah waxaa ugu kulmay hadalana uga jeediyay Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)iyo Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali.

Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa isagu kamid ahaa xubno si weyn uga soo horjeeday Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo ka arimiya waxa uuna inta badan usoo jeedin jiray eedeemo iyo dhaliilo kala duwan uu maamulkaasi ku weerarayo.

Axmed Diiriye oo Khudbad ka jeediyay Kulankii casha sharfta ee Xalay Muqdisho lagu qabtay ayaa soo dhaweeyay shirka hada Muqdisho kasocda sidoo kale waxa uu xusay in uu raali ka yahay Maamulka uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Afhayeenka ayaa ka codsaday Axmed Madoobe iyo dadkii kale ee Madasha fadhiyay in ay ka cafiyaan waxii hadalo qadaf u muuqan karay uu ku weeraray Maamulka Jubba, isaguna waxa uu xusay in uu cafiyay cid alle cidii uu wax ka tabanayay.

Sheekh Axmed Madoobe oo isna hadal jeediyay ayaa xusay in waxii hore laga gudbay iminkana muhiim tahay in la waalaaloobo oo midnimada umada Soomaaliyeed laga shaqeeyo waxii dhacayna laga gudbo.

Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe iyo Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa xalay lagu arkayay halka ay kasocotay Xaflada Casho sharafta ah iyaga oo gacmaha is heesta xabadkana isa saaraya taa oo muujineysa in waxii horey uga dhaxeeyay labada dhinac xalay dhalay laga soo qaaday.

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s