Uncategorized

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalo lagu hoobtay ay hogaaminayeen Janaraalo Caan ah oo mar kale maanta ka dhacay Deegaanka No-50 Waxaa Maanta mar kale Dagaal aad u culus uu ka dhacay Deegaanka No-50 ee Gobolka Sh/Hoose kaa oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo Ciidamo maleeshiyo beeleed h oo kusugan Deegaanka No-50. Ciidamada Milatariga ayaa duqeyn culus saakay ku garaacay Deegaanka No-50 kahor inta aysan dagaal toos ah ku galin , waxaana Dagaal Culus uu qarxay markii Ciidamada ay gudaha u galeen Deegaankaasi. Ciidamada Milatariga ayaana si rasmi ah ula wareegay Deegaanka No-50 kahor inta aysan saacado kahor kasoo bixin , warar soo baxaya ayaana sheegaya in ciidamada Milatariga lagu amray in ay ka baxaan Deegaankaasi kuna laabtaan Xerada laanta Buuro ee Duleedka Degmada Afgooye. Dadka Deegaanka ayaa ku eedeeyay Ciidamada Milatariga in maalintii labaad xasuuq ka geesteen Deegaanka No-50 sidoo kale ay boobeen goobo ganacso oo badan kuwa kalana ay madaafiic ku bur buriyeen. Inta la xaqiijiyay dad ka badan 20-qof oo isugu jira Shacab iyo Ciidan ayaa ku geeriyooday tiro kale oo badana wey ku dhaawacmeen Dagaalka iyo Duqeynta maalintii labaad ka dhacay Deegaanka No-50 ee Gobolka Sh.Hoose. Dagaalka ka dhacay Deegaanka No-50 ayaa lagu eedeeyay in ay Hogaaminayeen Janaraalo Caan ah oo katirsan Milatariga Soomaaliya ay ku jiraan Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, Janaraal Goobaale iyo Janaraal qaafow. Saraakiishan Hogaamineysa Dagaalka oo qaarkood la hadleen Warbaahinta ayaa xusay in weerareen Maleeshiyo Hubeesan oo Isbaaro dhigtay Deegaankaasi sidoo kale xariir la leh Dagaalyahanada Al-Shabaab sida ay ku doodeen. Dowlada Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin Dagaalka dhiiga badan ku daateen ee Maalintii labaad ka dhacay Deegaanka No-50 kuna lug lahaayeen Ciidamo tiro badan oo katirsan Milatariga Soomaaliya. source Allbanaadir.com

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalo lagu hoobtay ay hogaaminayeen Janaraalo Caan ah oo mar kale maanta ka dhacay Deegaanka No-50  

Waxaa Maanta mar kale Dagaal aad u culus uu ka dhacay Deegaanka No-50 ee Gobolka Sh/Hoose kaa oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya iyo Ciidamo maleeshiyo beeleed h oo kusugan Deegaanka No-50.

Ciidamada Milatariga ayaa duqeyn culus saakay ku garaacay Deegaanka No-50 kahor inta aysan dagaal toos ah ku galin , waxaana Dagaal Culus uu qarxay markii Ciidamada ay gudaha u galeen Deegaankaasi.

Ciidamada Milatariga ayaana si rasmi ah ula wareegay Deegaanka No-50 kahor inta aysan saacado kahor kasoo bixin , warar soo baxaya ayaana sheegaya in ciidamada Milatariga lagu amray in ay ka baxaan Deegaankaasi kuna laabtaan Xerada laanta Buuro ee Duleedka Degmada Afgooye.

Dadka Deegaanka ayaa ku eedeeyay Ciidamada Milatariga in maalintii labaad xasuuq ka geesteen Deegaanka No-50 sidoo kale ay boobeen goobo ganacso oo badan kuwa kalana ay madaafiic ku bur buriyeen.

Inta la xaqiijiyay dad ka badan 20-qof oo isugu jira Shacab iyo Ciidan ayaa ku geeriyooday tiro kale oo badana wey ku dhaawacmeen Dagaalka iyo Duqeynta maalintii labaad ka dhacay Deegaanka No-50 ee Gobolka Sh.Hoose.

Dagaalka ka dhacay Deegaanka No-50 ayaa lagu eedeeyay in ay Hogaaminayeen Janaraalo Caan ah oo katirsan Milatariga Soomaaliya ay ku jiraan Janaraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, Janaraal Goobaale iyo Janaraal qaafow.

Saraakiishan Hogaamineysa Dagaalka oo qaarkood la hadleen Warbaahinta ayaa xusay in weerareen Maleeshiyo Hubeesan oo Isbaaro dhigtay Deegaankaasi sidoo kale xariir la leh Dagaalyahanada Al-Shabaab sida ay ku doodeen.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga hadlin Dagaalka dhiiga badan ku daateen ee Maalintii labaad ka dhacay Deegaanka No-50 kuna lug lahaayeen Ciidamo tiro badan oo katirsan Milatariga Soomalia sourceAllbanaadir.com

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s