Uncategorized

Daawo Sawirada Dalka Suudaan oo looga dooday Tajrubada Islaamiyiinta ee Xukunka Soomaaliya. Dood cilmiyeedkan uu soo Qaban qaabiyay Xarunta Raa’id ee Cilmi-baarista iyo Daraasaadka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaaladda Khartuum ee Dalka Sudan, Gaar ahaan Qaacada Najaashi ee Jaamacadda Caalamiga ee Afrika. Furitaanka Dood-cilmiyeedkan oo ka hadlay Mudane C/llaahi C/qaadir Aadan ayaa soo Bandhigay Buugaag uu soo saaray Xarunta Ra’id, isagoo sidoo kalena soo dhaweeyay dhammaan Cilmi-baarayaasha iyo Qoraayaasha Soomaaliyeed ee Maalmahan dambe dadaal ku bixinaya wax Qorista. Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ex. Xildhibaan Dr. C/qaadir Macalin Maxamed Geeddi iyo Maamulaha Guud ee Xarunta Raa’id Ustaad. Muuse Axmed Ciise ayaa Aqoon isweydaarsigan kusoo gudbiyeen Warqado Cilmiyeesan oo ay Diiradda ku saarayeen Guulaha iyo Qaladaadka ay galeen Xarakooyinka Islaamiga ah ee Soomaaliya. Dr. C/qaadir Macali Maxamed Geeddi oo Warqaddiisa ka diyaariyey Guulaha ay Xukunka ka gaareen Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in Islaamiyiinta ay ku guuleysteen dib u soo celinta Hey’adaha Waxbarashada, Caafimaadka, Xawaaladaha ilaa ugu dambeyn ay gaaraan Xukunka Dalka. “Islaamigii ugu horeeyay ee Dalka Soomaaliya Madaxweyne ka noqda waxa uu ahaa Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka Tirsanaa Xarakada Islaamiga Aala Sheekh, sidoo kale waxa uu noqday Madaxweyne Afrikan ah oo si nabad ah Xilka ku wareejiya; taa uu Aduunka la yaabay” ayuu yiri Dr.Geeddi. Warqad Cilmiyeedka kale labaad ee uu soo Gudbiyay Ustaad. Muuse Axmed Ciise ayaa waxa uu Xoogga ku saaray Guuldaradii iyo Qaladaadkii ay galeen Islaamiyiinta Soomaaliya, isagoona Tilmaamay in Islaamiyiinta ay ku deg degeen Arrimo badan oo aan Munaasab aheyn inay ku deg degaan, isagoo tusaale u soo qaatay, Xeritaanka Shaneemooyinka, Joojinta Qaatka, Lahjadooda Siyaasada oo aad u darnaa markey la hadlayaan Dowladaha Dariska ah. Aqoonyahan Cumar Cali Baashi oo soo gabagabeeyay Doodcilmiyeedkan ayaa sheegay inay Islaamiyiinta Soomaaliya ay Matasho Nidaam Qabiil, taasina oo ay dib u dhigtay in Islaamiyiinta ay ku soo baxaan Baarlamaan iyo Madaxtinimada, maadaama ayuu yiri Qabaa’ilada dhexdhooda aysan awood ku laheyn. Kasoo qeyb Galayaasha Aqoon isweydaarsigan ayaa si kulul isu dhaafsanayay sida Islaamiyiinta Xukunka ku gaareen iyo Dadaalka badan ay ku bixiyeen inay dib u soo celiyaan Waxbarashada oo asaasi u ah Insaanka. C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)

daawo Sawirada Dalka Suudaan oo looga dooday Tajrubada Islaamiyiinta ee Xukunka Soomaaliya.

Dood cilmiyeedkan uu soo Qaban qaabiyay Xarunta Raa’id ee Cilmi-baarista iyo Daraasaadka Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaaladda Khartuum ee Dalka Sudan, Gaar ahaan Qaacada Najaashi ee Jaamacadda Caalamiga ee Afrika.

Furitaanka Dood-cilmiyeedkan oo ka hadlay Mudane C/llaahi C/qaadir Aadan ayaa soo Bandhigay Buugaag uu soo saaray Xarunta Ra’id, isagoo sidoo kalena soo dhaweeyay dhammaan Cilmi-baarayaasha iyo Qoraayaasha Soomaaliyeed ee Maalmahan dambe dadaal ku bixinaya wax Qorista.

Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ex. Xildhibaan Dr. C/qaadir Macalin Maxamed Geeddi iyo Maamulaha Guud ee Xarunta Raa’id Ustaad. Muuse Axmed Ciise ayaa Aqoon isweydaarsigan kusoo gudbiyeen Warqado Cilmiyeesan oo ay Diiradda ku saarayeen Guulaha iyo Qaladaadka ay galeen Xarakooyinka Islaamiga ah ee Soomaaliya.

Dr. C/qaadir Macali Maxamed Geeddi oo Warqaddiisa ka diyaariyey Guulaha ay Xukunka ka gaareen Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in Islaamiyiinta ay ku guuleysteen dib u soo celinta Hey’adaha Waxbarashada, Caafimaadka, Xawaaladaha ilaa ugu dambeyn ay gaaraan Xukunka Dalka.

“Islaamigii ugu horeeyay ee Dalka Soomaaliya Madaxweyne ka noqda waxa uu ahaa Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka Tirsanaa Xarakada Islaamiga Aala Sheekh, sidoo kale waxa uu noqday Madaxweyne Afrikan ah oo si nabad ah Xilka ku wareejiya; taa uu Aduunka la yaabay” ayuu yiri Dr.Geeddi.

Warqad Cilmiyeedka kale labaad ee uu soo Gudbiyay Ustaad. Muuse Axmed Ciise ayaa waxa uu Xoogga ku saaray Guuldaradii iyo Qaladaadkii ay galeen Islaamiyiinta Soomaaliya, isagoona Tilmaamay in Islaamiyiinta ay ku deg degeen Arrimo badan oo aan Munaasab aheyn inay ku deg degaan, isagoo tusaale u soo qaatay, Xeritaanka Shaneemooyinka, Joojinta Qaatka, Lahjadooda Siyaasada oo aad u darnaa markey la hadlayaan Dowladaha Dariska ah.

Aqoonyahan Cumar Cali Baashi oo soo gabagabeeyay Doodcilmiyeedkan ayaa sheegay inay Islaamiyiinta Soomaaliya ay Matasho Nidaam Qabiil, taasina oo ay dib u dhigtay in Islaamiyiinta ay ku soo baxaan Baarlamaan iyo Madaxtinimada, maadaama ayuu yiri Qabaa’ilada dhexdhooda aysan awood ku laheyn.

Kasoo qeyb Galayaasha Aqoon isweydaarsigan ayaa si kulul isu dhaafsanayay sida Islaamiyiinta Xukunka ku gaareen iyo Dadaalka badan ay ku bixiyeen inay dib u soo celiyaan Waxbarashada oo asaasi u ah Insaanka.

C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab)

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s