Uncategorized

Taariikh Kooban oo ku saabsan Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Allaha u naxariistee, iyo halgankii hubaysnaa ee uu kaga soo horjeeday gumaystayaasha Ingiriiska, Xabashida, iyo Talyaaniga.

Taariikh Kooban oo ku saabsan Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Allaha u naxariistee, iyo halgankii hubaysnaa ee uu kaga soo horjeeday gumaystayaasha Ingiriiska, Xabashida, iyo Talyaaniga.

  • Nimanyahow dabuub gabay baryahan, uma dadaalayne

  • Wax idaaray mooyee xalaa, laygu soo dagaye

  • Aan dabiibto gabaygaygu waa, dab iyo baaruude

  • Unkad dirigriglayn baan ahiyo, dirirta cawleede

  • Daad soo rogmaday baan ahoo, dooxadii yimide

  • Aan durduro dabaal baan ku mari, Doollo ii xidhane

  • Dayax iyo shamsaan ahay haddaan, lay dafirahayne

  • Gudcur dam ah habeen dumay dhulkoon, dacal ka nuuraynin

  • Ma danyado talaabada haddaan, dowga marayaaye

  • Dugsi haddaan la galin dhaxanta, waa lagu duloobaaye

  • Dabaylihiyo fooraa la tagi daar, waxaan galine

  • Deyrodhaafyadaan shidahayaa, dogobyo waaweyne

  • Dubaax ma aha xaajada midaan, diirka ka cadayne

  • Diirsimo halkii aan ahayn, waa siddii danafe

  • Waxa dunida qaarkeed ka dhacay, dood aan ka idhaahdo

Waxaa laga yaabaa dad badani markii ay maqlaan magaca iyo martabada uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku lee yahay taariikhda Soomaaliyeed, baalka dahabka ah ee lagu qoray taariikhdii Daraawiishta ee uu hogaanku u hayey Sayidku, iyo xushmada ay Sayidka u hayaan dhamaan Soomaalidu Bari iyo Galbeed, Koonfur iyo Waqooyi  inay isweydiiyaan: “muxuu Sayid Maxamed ku mutaystay xusuuustaa karaamaysan ee aan cid kale la wadaagin?”  Haddaba suuragal ma aha in qormo qudh ah lagu soo koobo dagaal 21 sanno soconayey, haseyeeshee waxaan isku dayeynaa in aan guudmaro dhiiranaantii, geesinimadii iyo mintidkii gobonimodoonka Daraawiishta uu hogaaminayey Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwaa oo hadh iyo hoyba u diiday gumaysiga dhinac walbana ka wareemay.

  • Guutadii lasoo dumay haddii nalagu soo duushay

  • Wax lasoo dadaanshaba haddii nala dulgowriirshay

  • Dildilaaca waaberi haddii nalagu sii daayey

  • Annagoon digniin qabin haddii nala dabaalsiiyey

  • Digta weerar qoobkii hadday dininigtii yeedhay

  • Dooyada uluufta ah hadday Daalo kor u dhaaftay

  • Qayladu daluuntaye haddii nala dareensiiyey

  • Degdeg inaan usoo roorro waa dawlad alabkeede

  • Ma dul keenay kuman duubcadoo wada Daraawissh ah

  • Digri markuu kusoo galay xarbiga aniyo duulkaygu

  • Dayaaydii horeetaba baqay dabada taageene

  • Diigaanyo ciidana miyaan daafta kala raacay

Markii Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu kusoo noqday Berbera isagoo xajkii ka yimid sanadku markuu ahaa 1895kii wuxuu tagay miyiga Berbera wuxuuna faafin jiray diinta Islaamka isagoo umadda uga digi jiray inay is dhacaan iskuna duulaan.  Wuxuuna heshiis ka dhex beeri jiray beelaha wada degan haddii ay isqoonsadaan.  Sidaa awgeed, Ingiriisku wuxuu Sayidka u arkayey ugu horraynba inuu ahaa nin laga dambeeyo oo awood u leh inuu xasiloonaan ka dhex dhaliyo qabaa’ilka Soomaaliyeed.  Kuxigeenkii qunsulkii Ingiriiska Berbera u fadhiyey waxa uu xidhiidh joogta ah la lahaa Sayid Maxamed, haddii qas dhaco oo miyiga ka dhacana waa lala socodsiin jiray waxaana laga codsan jiray inuu wax ka qabto. 

Ingiriisku waa ogaa in Sayid Maxamed lee yahay xer badan hase yeeshee marnaba kama cabsanaynin odoroskana kumana jirin halgan gobonimodoon ah oo ka bilowdo gayiga Soomaaliyeed.  1899kii waxaa laysa dhex mushaaxay magaalada Berbera Ingiriiskiina soo gaadhay in Sayid Maxamed uu uruursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulo una qabsado degmooyinka Koonfur Bari.  Dawlada Ingiriisku waxay ku dhaqaaqday inay arintaa isku taxalujiso si ay u ogaato runtu waxay tahay, hase ahaatee Ingiriiska uma suuragalin inuu si sahal ah ku ogaado Sayidka iyo akhbaartiisa waayo dadkii Soomaliyeed ee reerguuraga ahaa baa diiday inay Ingiriiska u xogwaramaan markii la waraystay.

April 12, 1899kii qunsulkii sarre ee Ingiriiska Gaashaanle Sare J. Hayes Dawson* waxaa soo gaadhay warar sheegaya in Sayid Maxamed madax ka yahay ciidamo hubaysan oo tiradoodu gaadhayso 3000 uuna tabaabusho ugu jiro duulimaad ba’an oo uu Ingiriiska kusoo qaado.  Bishii August 1899kii waxay ilaaladii Ingiriisku soo sheegtay in Sayid Maxamed yimid Burco isaga oo wata ciidamo 5000 ah oo 1500 oo kamid ahi ay fardooleey yihiin, 300 oo ka mid ahina ay banaadiikh haystaan.  Burco waxay ahayd meel xagga tabcooyinka dagaalka aad ugu haboon waayo biyo joogta ah bay lahayd xilliyada abaaraha ah.  Sayid Maxamed Cabdille Xasan waqtigaa wuxuu si badheedh ah ugu dhawaaqay inuu dagaal muqadas ah oo gobonimo doon ah Ingiriiska kula jirro asgartiisiina wuxuu u baxshay Daraawiish, wuxuu u faray qabaa’ilka Soomaliyeed oo dhan inay la dagaalamaan, jihaadka liddiga gaaladana ay la galaan.

  • Waa tuu dareersaday fircoon diracyadiiniiye

  • Waa tuu diyaar ugu akhriyey diinta gaalada e

  • Dabci beenna weeyaan waxaad nagu dayeysaane

  • Waa waxa dariiqii sharciga uga dilowteene

  • Dowgii Rasuulkiina waad daba martayseene (scw)

  • Nin dardaran iblayskii dafaa dow ka raaridaye

  • Dallacaad jacayl baad kurtiin noola dirirteene

  • Dubaaqiina waxa saa u galay daara buuxsade e

  • Dux kama heshaan Ferenji aad dul i dhigataane

  • Dabin buu idiin qoolayaa waydin dagayaaye

  • Dirhamkuu idiin qubahayaad dir u go’aysaane

  • Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye

  • Marka xigana daabaqada wuu idin dareensiine

  • Marka xigga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e

  • Marka xigga dushuu idinka rari sida dameeraaye

Sidaa daraadeed, magaalada Berbera waxaa soo xaluushay akhbaar cabsi leh oo sheegaysa in ciidamada Daraawiishtu ay kusoo dhow yihiin Berbera markii ay soo galaana ay baabi’in doonaan ayna dhici doonaan maalka iyo moodka shisheeyaha magaaladana gubi doonaan.  Arintaasi argagax iyo cabsi ayey ku riday Ingiriiskii iyo gadisleydii Hindida ahayd kuwaas oo xoolihoodii oo dhan, badeecad iyo qalab waxay lahaayeen ku daldashay markab magaciisa la odhan jidhay FALCON waxayna u qaxeen magaalada Cadan ee dalka Yemen.  Nimankii shisheeyaha ahaa ee Soomaliya ka tagay waxay usii qadimeen saraakiishii iyo ciidamadii Cadan laga soo qaadayey khatarta sugaysa marka ay Soomaaliya cagta dhigaan.  Shisheeyihii ku hadhay Berberana habayn qudha ma ladin ilaa xeebta Berbera ay soo gaadheen laba markab oo kuwa dagaalka ah oo la kala odhan jidhay Medos iyo Bahome.

September 1, 1899, Warqadan buu usoo diray Ingiriiska oo ku qorayd Afka-Carabiga.  Sayidku waxa uu warqadiisa ku bilaabay sidatan: 

Ka: Maxamed Cabdille Xasan

Ku: Ingiriiska

Waxaan idiin sheegayaa in aad samayseen wixii aad doonayseen, waxaa kale oo aan idiin sheegayaa in dadka idin rumaysan ay yihiin kuwa khaa’imiin ah oo diintoodii iyo dalkoodiiba caasiyey.  Waa Maxamedkii aad taqaaneen oo idin warsanaya in aad hubka iska dhigtaan ood isdhiibtaan sidaa darteed baan warqadaan idiinku soo diray.  Eega laba kala doorta:  haddii aad dagaal doonaysaan gudooma baanu lee nahay, haddii aad nabad rabtaana baxsha qiimaheeda oo ah in aad dalka isaga tagtaan.

Qunsulkii sarre ee Ingiriisku markii uu akhristay warqadii Sayidka  aad buu uga cadhooday waxaana Ingiriisku u aqoonsaday Sayidka inuu yahay nin ku shuftoobay taliskiisa, wuxuuna digniin ku bixiyey Soomaalidii taliskiisa ku hoos jirtay in ciqaab ay la kulmi doonaan haddii habayaraatee wax xidhiidh ah ay la yeeshaan ama kaalmo u fidiyaan Sayidka.  Ingiriisku waxay Sayidka u baxsheen ‘Mad Mullah’ oo macnaheedu yahay wadaadkii walaa, waayo xilligaa gumaysigu wax aan miyir qabin oo biimo ah ayuu u haystay ciddii xooga Ingiriisku lee yahay isku dayda in ay is hortaagto.  Taaktikada iyo tabcooyinka dagaalka ciidamadii Daraawiishta oo xambaarsan waanadii xusuusanna gabayadii guubaabada lahaa ee Sayidka naftooda bay u hureen dalkooda iyo diintooda siddii ay u daafici lahaayeen.

  • Ninkii bala’da lagu yeedhiyee bayraq lagu duubay

  • Kol hadduusan bara aamin baahi geys noqonin

  • Inaan boqorka loo deynahayn ba’aha yow sheega

  • Runba nimaan u baydhayn ibleys barale weeyaane

  • Buunshuhu bilaash iyo hadduu been ka tagi waayo

  • Inaan dhegaha loo balalinayn ba’aha yow sheega

  • ..

  • Baalxaafka waxaa loo sitaa beer wax how dile e

  • Ninkii loo burhaan qabay hadduu beyda kari waayo

  • Birtiisu ha jabtee inaan la rabin ba’aha yow sheega

  • Bogga laga mudyoow fulaygu wuu baydadahayaaye

  • Goortuu bidhaan cadow arkuu balow yidhaahdaaye

  • Inaan mowdka laga baajinayn ba’aha yow sheega

  •  

  • Geesiga halkii lagu baxay baa bili ka raacdaaye

  • Bilaawaha kolkii uu la baxo looga kala baydhye

  • Isaguna buruu leeyahaye ba’aha yow sheega

Bilowgii sanadkii 1900 Ingiriisku wuxuu heshiish la galay boqorkii dalka Itoobiya Mililikh waxayna isku waafaqeen in ay wadajir Sayidka ula dagaalamaan.  Waxaana bishii March 1900, kasoo ambabaxay magaalada Herar ciidamo Xabashi ah oo uu hogaaminayey sargaal Ingiriis ahi, waxayna 24 Maarso Daraawiishta iyo ciidamadii Xabashidu isku haleeleen Jigjiga halkaa oo wax la dilay iyo wax la dhaawacay laga dhigay.  Hayes Sadler oo ahaa qunsulkii sarre ee Ingiriiska waxa uu u diray H. G. C. Swayne dhanbaalkan:

Ujeedada duulimaadkiinu waa inaad dishaan Sayidka ciidamadiisana jabisaan, haddii uu Sayidku isdhiibo waad aqbali kartaan, haddii uusan arintaa wax shuruud ah ku xidhin.  Markaa ka dibna waa inaad baabi’isaan dhamaanba qabaa’iladii Sayidka taageerada u fidiyey.

 Isagoo fulinaya amarkaasi kasoo baxay dawladda Ingiriiska, Swayne oo ciidamo xoog badan oo Afrikan, Hunuud iyo Asian isugu jira wata baa si rasmi ah Sayidka ugu soo qaaday duulimaadkii ugu hareeyay. 

Bishii November 1900, waxaa  dalka Soomaaliya yimid Gaashaanle Sare Swayne si uu u hogaamiyo duulimaadkii u horeeyay ee Sayidka lagu qaadayey.  Swayne kuma uu cusbayn dalka Soomaaliya ee hadda ka hor buu soo raacay walaalkii S. S. Swayne oo ahaa ninkii dalmareenka ahaa ee sahanka ku maray degmooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ninkaa oo ahaa kii qoray buugga la magacbaxay Seventeen Trips Through Somaliland oo macnaheedu yahay Todoba iyo Toban Socdaal ee Soomaliya Lagu Maray.

Gaashaanle Sarre Swayne waxaa loo xilsaaray inuu dhiso ciidamadii Sayidka laga horgayn lahaa wuxuuna adkeeyay heshiiskii uu Ingiriisku la lahaa Xabashida, waxayna go’aan ku gaadheen in ciidamo huwan ah ay Daraawiish ku kacaan sidaa daraadeed wuxuu Ingiriisku dalka Itoobiya u diray Gaashaanle (……………………..) oo ka tirsanaa ciidamadii la odhan jidhay Royal Guards, ninkaasi oo soo gaadhay Herer April 1901 si uu u soo qabanqaabiyo una tababaro ciidamo dhinaca galbeed ka weerara Sayidka.

Ingriisku wuxuu dagaalkaa ku waayey kumanyaal askar ah iyo saraakiil fara badan oo ay ku dhaaran jireen, waxaana ka mid ahaa Gaashaanle Phillips, Dhame J. N. Arms, Dhame C. N. S. Cord iyo kuwa fara badan oo kale.  Markii uu Berbera yimid Swayne wuxuu bixiyey xogwarankan:

Waxaan aad ula amakaagay sidda ay naftooda u biimaynayaan Daraawiishtu.  Marnaba u malayn maynin ilaa aan dagaal kula kulmay in khatarta Daraawiishtu heerkaa gaadhsiisan tahay.  Daraawiishtu waxay u badan yihiin niman xaasaskoodii, ciddoodii, iyo maalkoodii kasoo tagay si ay u noqdaan naftood hurayaal.  Waxay sitaan cimaamado iyo go’yaal bayl ah, waxayna qabaan amar ah inay dilaan Ingiriiska iyo askartiisa qiima kasta ha ugu kacdee, iyagoo rumaysan haddii la dilo iyo haddii ay wax dilaanba inay janada galayaan. Sidaa darteed, goobtii dagaalkii raggii Daraawiishta uga dhintay waxay u badnaayeen xaajiyaal iyo shuyuukh noogu soo galay dhufayskii aanu ku jirnay iyagoo leh, Allahu Akbar ama Ilaah baa weyn.

Hadalkaasi waa xog warankii Swayne.  Duulimaadkii koobaad iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay dhamaadeen October 6, 1902 dii.  Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku kulmeena waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin. 

  • Ninka gaala aynabay intuu gamasyada u qaatay

  • Gubniyaalka fooskaa ninkii gowrac ugu jiiday

  • Sidii boodhle geesala’ ninkii gaaddaduu mariyey

  • Igiriiiska goolka ah ninkii gudurida u loogay

  • Guutooyinkuu wacay ninkaan gaban kasoo deynin

  • Girligaammaduu siday ninkii goobta kaga qaatay

  • Geesaaska Cadmeed ninkii kaga gallaydhsiiyey

  • Gidigeed Nasaarada ninkii goomanka u qooyey

  • Siddii caydh gorfaalaa ninkii gobolba meel aadshey

  • Geyigaba ninkii galangashee guuya kaga dhaartay

  • Gabagaba intuu dhigay ninkii libin ku geeraaray

  • Gadoodkii dagaalkii ninkii guusha kala laabtay

  • Gaafaha ninkii laga maree haatan laga gaaray

  • Garbiduu ku tiirsaday ninkaan laga gurguureynin

  • Ninka yidhi gol madhan waa miduu galay wadkiisiiye

Ingiriiska intii ay socdeen labadii duulimaad ee horre waxaa u korodhay waayo-aragnimo dheeraad ah waxayna ogaadeen xoogga Daraawiishta oo ah mid aan dhayal loo loodin karin.  Ciidamadii Ingiriiska ooy kamid ahaayeen kuwii la odhan jidhay King’s African Rifles waxaa kusoo kordhay kalsooni darro iyo baqdin ay ka qaadeen Daraawiishta oo aan cadowga u turin.  Si haddaba loo qabanqaabiyo loona kiciyo duulimaadkii saddexaad waxaa Soomaaliya yimid Oktober 23, 1903 dii General W. H. Manning, dawlada Ingiriiskuna waxay heshiis la yeelatay Talyaaniga oo ay isku waafaqeen in Talyaanigu geesta Bari kasoo weeraro Sayidka.  Sidaa darteed laba markab oo ah kuwa dagaalka ooy Ingiriiska iyo Talyaanigu kala leeyihiin ayaa xeebaha dalka ku wareegaalaysanyey si ay u sahmiyaan meel ay asgartooda kasoo dajiyaan Sayidkana ka gaadaan.

September 16, 1903 dii waxa uu golaha wasiirada ee dowlada Talyaanigu u ogaaladay in Ingiriisku kasoo rogo ciidamo uu lee yahay magaalada Hobyo, sidaa daraadeed Ingiriisku wuxuu go’aan ku gaadhay inuu wado duulimaadkii saddexaad isagoo ciidamo xoogleh kasoo rogay Hobyo iyo Berbera si uu dhinac walba uga hareereeyo Sayidka.  1903 dagaalkii ka dhacay Gunburo Ingiriisku wuxuu u bixiyey Raqdii Gunburo sababtoo ah goobtaa waxaa ka raacday guuldaro culus.

April 1903 dii Sayidku wuxuu Ingiriiska usoo diray warqadan markii Nugaal uu u hayaamayey:

Ka: Sayid Maxamed Cabdille Xasan

Ku: Ingiriiska

Waxaan idin leeyahay maqla hadalkayga oo tixgaliya.  Waxaan doonayaa in aan dalkayga u tasho diinataydana daafaco.  Hadalkayga maqla oo tixgaliya.  Ma aad maqashaane dhibbaa dacalka idiin soo gaadhay.  Waxay idiinku sheekeeyeen Daraawiishi waa carartay, ma ay cararinse ee waa dagaalamayaan.  Waxaan u guuraynaa meeshii aan doono anagoon baqayn.  Waxaan doonaynaa in aan idinla dirirno dagaalkana aad ayaan uga helaa, hase yeeshee idinku maya.  Haddii Ilaahay yidhaahdo waxaan idinka furandoonaa hub fara badan.  Anigu ma lihi hodannimo, ma lihi guryo, ma lihi beero, ma haysto dahab iyo dheeman midna aad iga dhacdaan.  Dadkaygu wax wanaag ah idiin mahayo idinkuna uma haysaan.  Aniga waxaad iigu timaadaani waa xabad iyo dagaal wax kalana iga heli maysaan.  Waxaan kula kulmay raggiinii dagaal waana aan wada gowracay.  Dadkii naga dhintay waxay shaqaysteen janno, Ilaah baa nala jirra haddii aad dagaal wadaan raali baanu ka nahay haddii aad nabad rabtaana ka baxa dalkanaga oo aada dalkiinii, haddii aad dagaal rabtaana sii jooga.

July 3, 1903 dii waxaa dhamaaday duulimaadkii saddexaad oo intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari iyo Waqooyiba ku dagaalameen.  Waxaa Ingiriiska gaadhay jug weyn waxaana saraakiishii uga dhintay dagaalka ka mid ahaa Gashaanle Sare A. M. Ruthford, Gaashaanle Dhexe A. W. D. Francis oo hogaaminayey ciidamadii la magac baxay Regiment Manchester, Dhame S. T. Albright oo taliye ka ahaa ciidamdii loo yiqiin ……….. Regiment, Kabtan J. John Stewart oo ka tirsanaa ciidamadii loo yiqiin Argyll and Sutherland Highlanders, Dhame H. H. de B. Morris oo madax ka ahaa Est Kent Regiment, Dhame J.A. Gayonr, Dhame S. L. McKinnon oo madax ka ahaa North Derby Regiment ciidamo badanna xukumay.   Guud ahaan, sida uu qoray Douglas Jaridine, waxay  dagaalkan Daraawiishtu dhagta dhiiga u dartay sagaal (9) sargaal oo sarsare oo ciidamadii Ingiriiska hogaanka u hayey, in ka badan 187 askari, iyo in ka badan 29 askari oo dhaawac xuni soo gaadhay.

Magacyadaa aan soo xusnay waxay ka mid ahaayeen boqolaalkii saraakiil ee Daraawiishtu laysay dagaalku intuu socday. 

Duulimaadkii afraad wuxuu ahaa mid ay xoog uga qeyb galeen maraakiibta dagaalku, waxaana Ingiriisku go’aan ku gaadhay in Sayidka siddii dowlad xoog badan oo kale loola isticmaalo.  General LAYNE ayaa loo xilsaaray fulinta duulimaadka afraad, waxaa kale oo la shaqaynayey Sareeye Guuto Egerton iyo Sareeye Guuto  Fasken.  Intii uu socday dagaalkaasi waxaa Ingiriiska Sayidku gaadhsiiyey khasaarooyin xoog badan waxaana cadowga ka dhintay saraakiil badan oo ay kamid ahaa Dhame J. R. Williams, Dhame G. Ester, iyo Laba Xidigle T. H. Aurder iyo kuwa kale oo badan.  Goobihii laysaga horyimid intii duulimaadyadaasi socdeen oo Daraawiishta iyo Ingiriisku isku haleeleena waxaa ka mid ahaa Beerdiga, Cagaarweyne, Daratoole, Taargooye, iyo Jidbaale.

Haddii aynu tusaale ahaan usoo qaadano heshiishkii Pestalozze 1904tii, wakiilkii dowlada Talyaaniga u fadhiyey Soomaaliya Pestalozze wuxuu aaday Illig oo uu rabay inuu Ingiriiska iyo Sayidka ku dhexdhexaadiyo wuxuuna ugu horrayn hindise kusoo jeediyey in Sayidka:

  1. Degaan rasmi ah la siiyo

  2. Dawladnimo gudaha ah loo ogolaado

  3. Xornimo iyo madax banaani ganacsi la siiyo oo uu helo

  4. Nugaal iyo Howd ay noqdaan dhul aan Sayidka lagu faragalinin

Maarso 5, 1905tii baa Sayidku heshiiskaa dhab ahaan u ogolaaday isaga oo doonayey inuu helo muddo uu isku dubarito ciidamadiisa, hubna baadigoobto, iyo in uu kasoo kabto khasaaradii ka gaadhay dagaalkii Jidbaale.  Heshiiskaasi markii in yar dhaxal gal noqday, ayaa Ingiriisku wuxuu bilaabay inuu hub ka baadho doonyihii Sayidka badeecada u siday.  Sayidku wuxuu Ingiriiska u soo diray warqad uu ugu sheegayo inay khilaafeen heshiiskii, markii ay baadheen doonyihiisii iyagoo ka gaashaamanayey in Sayidku hub culus lasoo dego, arintaa oo Sayid Maxamed aad iyo aad uga cadhooday, waxyeelada ka imaandoonta uu Ingiriiska yidhi idinka ayaa qaadaya.  Wuxuu Sayidku warqadiisa kusoo hagaajiyey taliyihii sarre ee Ingiriiska F. C. S. Gordon, wuxuuna u sheegay in haddii la doonayo in heshiishkii Pestalozze uu hirgalo oo uu socdo inaan lasoo faragalin Sayidka badeecadiisa loona soo celiyo hubkii iyo saadkii laga dhacay.

Sayid Maxamed waxa uu si badheedh ah ugu sheegay Ingiriiska mar haddii ay jabiyeen heshiiskii isaguna in uusan maanta ka dib dhowraynin, arintaasi oo Ingiriisku u fasirtay in Sayidku soo kicin doono dagaal hor leh.  Sidaa daraadeed waxaa laysku soo qaaday in la dumo duulimaad iyo col fara badan oo Sayidka laga horgeeyo.  Dalka Ingiriiska 1908 baarlamaanku canaan kulul buu usoo jeediyey dawladda isagoo ku eedeeyay lacagta faraha badan ee dagaalka lagu hoobtay Ingiriisku uu ku bixinayey iyo askarta faraha badan ee ku dhimanaya.  Sidaa darteed, November 30, 1908 wasiirkii isticmaarka ee Ingiriiska wuxuu u soo diray taliyihii ciidama ee ka talinayey Soomaliya warqad uu ugu sheegayo in aan Ingiriisku hadda ku talo jirin dagaal Sayidka lagu qaado.

Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida ay kula dhaqantay oo ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso.  John Talon, Maarso 3, 1910 wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo jeediyey hindise laysku raacay oo ah in Sayidka sanadkiiba la siiyo 2,000 oo Istarliin (lacagta Ingiriiska.)  Hase yeeshee Sayidku gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay Ingiriiska inuu doonayo gobonimo, gobonimadana aan la gorgorin karin.  Sayidku wuxuu hadalkii kusoo koobay diintayda iyo dalkayga gadan maayo.  Wuxuu yidhi: 

  • Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye

  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne

  • Anaa diidaday dagal inaan la galo daalin ii col ahe

  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooro weynaha e

  • Anaa diiday nabadiisa aan daacad noqonayne

  • Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale

  • Anaa diiday maantuu lahaa duunya iga hooye

  • Markay duusho gaaladu anaan daabada u qabane

  • Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone

  • Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye

  • Dagaalkiisa anigoow xishayoo daalib ku ahaaye

  • Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye

  • Diinatayda anigaan ku gadan dabaqii naareede

  • Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine

  • Anaan labada daarood tan horre darajo moodaynin

  • Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye (scw)

  • Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine

  • Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xidhane

August 1913kii waxaa dhacay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) oo ahaa kii lagu dilay taliyihii ciidamada Ingiriiska Richard Corfield, gaalkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil ahaana ninkii Sayidku ka tiriyey gabaygii caanka ahaa, ee Adaa Koofiloow Jiitayoon.  Waxaa kale oo halkaasi ku geeriyooday saraakiil badan oo Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa Dhame J. S. Summers.

  • Adaa Koofiloow jiitayoon dunida joogayne

  • Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la’aaneede

  • Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato

  • Nimankii janno u kacay war bay jirin inshaalleye

  • Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto

  • Kuwase naarta joogiyo markaad jananadii gaadhid

  • Sida Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda

  • Daraawiish jikraar nagama dayn tan iyo jeerkii dheh

  • Jigta weerar bay goor barqo ah nagu jifeeyeen dheh

  • Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh

  • Waligiisba waa lagu jabshaa jilib-dhig duulaan dheh

  • Haddaan lays jigraarayn tolkay laga jil roonaa dheh

  • Waxay noo junjuunteena waa jamasha diineed dheh

  • Anigana Jigreey ila heleen shalay jihaadkii dheh

  • Jeeniga hortiiseey rasaas igaga jiideen dheh

  • Jiiraayadeey ila dhaceen jilic afkoodii dheh

  • Jidhkaygii caddaa bay abley jagac ku siiyeen dheh

  • Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego

  • Bilaawuhu siduu kuu jarjaray jiilalkaa u muuji

  • Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshay

  • Jibaadka iga soo baxay nafluhu jiifka qaban waa dheh

  • Naf-jeclaysigii baan ku idhi jaalloow iga daa dheh

  • Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh

  • Goortaan jarreerana galoo nolol ka jaan qaaday

  • Wax badan baan janaacaye dhagbaan jalaq la ii siin dheh

  • Juuqdii aan la yeedhaba afkay iga jifeeyeen dheh

  • Jaljaleecadii baa wadnuhu jeex isoo ruqay dheh

  • Jeedaaladii bay indhuhu kor u jilaabmeen dheh

  • Markay rubbadu jaw tidhi or bay iga dul jiibsheen dheh

  • Jiidhkaygii bahal baa cunayoo jiitay hilibkii dheh

  • Jurmidiyo baruurtii dhurwaa juguc ka siiyaa dheh

  • Jiljilladiyo seedaha tukay iga jeedeen dheh

  • Siddii jananadii horre tashigu igu jaguugnaa dheh

  • Jidkii uu iblays ii horgalay jaasadii helay dheh

  • Daraawiishna waa jibindhowgiyo jowga soo bixi dheh

Waxaa xusid mudan in ninkan ay Soomaalida badankeedu u taqaano Koofil uusan kaliya ahayn nin neceb kana soo horjeeda halganka gobonimo doonka ah ee Sayidka iyo Daraawiishtiisa ee uu ahaa nin jinsiga Soomaaliga ah siddiisa u neceb.  Wuxuu in badan ciidamo ku bixiyey oo uu soo mooroduugay shacab Soomaaliyeed oo wax ay u dhimeen iyo wax ay u geysteen Ingiriiska uusan jirin.  Shacabkaas oo badankiisu ahaa kii ku hoosnoolaa ximaayada Ingiriiska.  Mar uu ku duulay reer guuraa meel deganaa kana soo dhacay waxay mood iyo nool haysteen waa kuu Ina-Weysaxume tixda ku mariyey:

  1. Sayidkoo wax galay raacdadoo la isku soo gaadhay

  2. Adigiyo gubniga aad wadataa goobataal noqoye

  3. Girligaanku kaa joogsayoo guuxa kaa damiye

  4. Ku googooste nimankii kufriga gaajada u qabaye

  5. Afku gow’ ku yidhi xaajadaad gees u badisaaye

  6. Guga ha gaadhin adigaa tolkey gaajadaa badaye**

Ingiriiska waxaa u muuqatay dagaal badheedh ah in aan waxba Sayidka lagaga qaadaynin haddii aan la badalin tabcada lagu socdo.  November 1918kii gudi uu madax ka yahay General Hopkins oo loo xilsaaray inay darsaan xaallada Daraawiishta talooyin dagaaleedna ay Ingiriiska siiyaan ayaa yimid dalka Soomaaliya.  October 1919kii baarlamaanka Ingiriisku wuxuu go’aan ku gaadhay inay Sayidka siddii dawlad xoog leh oo kale ula dagaalamaan, ayna duulimaadka ka qeyb galaan ciidmada dhulka, cirka iyo badduba. 

Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari waayeen Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo qalcadihii kale.  Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko dagaal.  Ugu dambayntii Janaayo 21, 1920kii, waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon wuxuuna cadowgu isticmaalayey diyaaradaha noocoodu ahaa DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii Sayidka oo dhan.  Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay ahaayeen urur gobonimo doon ah ee adduunyada ugu horeeyey ee dayuuradaad lagula dagaalamo.  Taasina waxay muujinaysaa dhiiranaantii iyo halgankii Daraawiishtu gobonimada usoo galeen. 

Sayid Maxamed intaa kadib wuxuu soo aaday Koonfur.  Febraayo 17, 1920kii, taliyihii Ingiriisku wuxuu usoo diray Sayidka warqadan.

Waxaan usoo diray waqti saddex todobaad laga joogo Darawiishta warqad aan ugu sheegayo in la magan galin doono haddii ay isdhiibaan.  Hubkaaga iyo kaygu isma leh, adigu waxaad tahay wadaad Soomali ah, anna waxaan wakiil ka ahay dawladda adduunka ugu xoogga weyn oo ka adkaatay Jermalkii iyo Turkigii.  Maanta xoogaagii waa yaraaday, dayuuraadkana uma adkaysan kartaan, dhinac aad u ciirsatana ma jirro.  Waxaa xagga Bari kaa xigga Boqor Cismaan Maxamuud iyo Cali Keenadiid oo labaduba col kula ah adiga iyo halgankaagaba mana aadi kartid.  Dhanka Itoobiya saaxiibkaa Leit  Yasuuf waa jiitay, Ras Taferina waa saaxiibkay.  Awood uma lihid inaad nala dagaalanto.  Waxaan laayey ciidamadaadii badi ahaan, gacalkaagiina gacantayda ayey ku jiraan.  Ujeedadaydu ma aha inaan wax laayo haddii aad is dhiibto 40 casho dhexdood.  Ammaan iyo xushmo ayaad heli doontaa.  Waxaanse kaaga digaynaa in aadan warqadan caasiyin.  Waxaanan ku siinaynaa rug aad ku noolaato diintaadana ku fidisid.  Warqad ama jawaab aad iisoo dirto wax micnaha ah ama qiima ah ooy leedahay ma jirto haddii aadan 40 casho dhexdood ku imaanin.  Waxaan warqadan kuugu soo dhiibay haweenaydaadii.

Maarso 25, waxaa Ingiriiska u yimid Sheekh Cali oo ahaan jiray qaaligii Taleex iyo Xaaji Cismaan oo Sayidka adeerkii ahaa oo wada jawaabtii waraaqdii Sayidka loo diray.  Warqaddii Sayidku waxay ahayd sidan:

Waan helay warqadii aad soo dirteen 22kii Jamaadul Aakhir, jawaabteediina waatan.  Warqadaadii macnaheedu wuxuu ahaa inaad ka adkaateen Jermal iyo Turki xoog badanna leedihiin iyo inaan isdhiibo.  Isdhiibi maayo dagaalkana waan wadayaa inta aad idinku wadaan.  Amaan iyo magan-galiyana Ilaah baa leh xoogna ninkuu siiyo ayaa iska leh.

Ingiriisku wuxuu ugu dambayntii go’aan ku gaadhay inuu Sayidka u diro ergo ka kooban maashaa’ikhdii Goboladda Waqooyi oo kala ahaa: 

Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq madaxii dariiqada Saalixiyada, Skeekh Cabdullahi Sheekh Madar madaxii dariiqada Qaadiriyada, Sheekh Maxamed Xuseen iyo cuqaal fara badan ooy ka mid yihiin Caaqil Cali Aadan, Caaqil Jaamac Madar, Caaqil Ibraahim Warsame, Caaqil Xirsi Xuseen, Caaqil Xaaji Cabdullahi Jaamac, iyo Caaqil Cali Guuleed.  Ergadaa ka koobnayd maashaa’ikhdii dariiqada iyo todobada Caaqil waxaa loo diray ergo ahaan Sayidka waxayna wadeen warqad Ingiriisku ku warsanayey Sayidka inuu ergadaas soo raaco.  Ergadii waxay ka baxday Burco April 9, 1920kii iyadooy hogaaminayeen labadii nin ee warqada jawaabta ah Sayidka ka keentay,  Xaaji Cismaan iyo Sheekh Cali. 

16 casho oo socod ah ka dib, April 25, waxay soo gaadheen Qoraxay oo xarunta Sayidku u jirtay 40 mile.  Sayidku ergadii waxa uu amar ku siiyey inay Ingiriiska ku noqdaan una sheegaan inaan Sayidku marnaba isdhiibaynin.  November 23, 1920kii ayuu Sayid Maxamed, naxariistii janno Allaha siiyee, si caadi ah ugu geeriyooday Iimeey isagoo gacanta ku haya gamaskii xornimada iyo gobonimada.

Markuu geeriyooday Sayid Maxamed gumaystuhu wuxuu isku dayey inuu daboolo halgankii uu soo galay iyo ujeedooyinkii uu lahaa ee uu u dagaalamayey in ka badan 21 sanno.  Waxa uu Sayidku mutaystay in lagu qorro magaciisa iyo taariikhdiisaba baal dahab ah waayo waxa uu u diiday gumaysiga inuu ku lado dalka Soomaaliyeed.

  • Inuu gaalku dili oo khatali dayiba maayaane

  • Dafiraadu waa xeel runbaa lagu dabuubaaye

  • Dilaal waxaad cunaysaan intaan dunida joogaaye

  • Hadalkaa dilaacshaye miyaan deelka ka habowshay

  • Wax ma dadine macnihiina sow idin ma deqsiinin

  • Nimanyahoow dantey baan hadlaye iga daliil qaata

  • Dacwadayda meeshaan u dhigo fiiro dib u yeesha

  • Waxna loogu digiyaa ninkii dawladnimo haysta

  • Waxna loo danleeyahay ninkii diinta Nabi raacay (csw)

  • Nin rag ah bay dardaaran u tahee doqonse waa mooge

  • Afartaa intaan dow ku xidhay deel ma qabadsiiyey

  • Deelqaafku waa ba’an yahaye daacad ma u sheegay

  • Dacwad kalana Soomaali waa mid aan dareensiiyey

Taariikhdii koobnayd ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo halgankii muqadaska ahaa ee uu kula jiray gumaysiga waxaan kusoo af-jaraynaa  tuducyo kooban oo ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee Sayidku mariyey dabayaaqadii noloshiisa ee la odhan jiray Dardaaran:

  • Doodna waxaan u leeyahay dadkeer hadalka deyn waayey

  • Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye

  • Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne

  • Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye

  • Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora weynaha e

  • Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo rabaye (scw)

  • Anaa diiday maantuu lahaa deeqan iga hooye

  • Diinkayga anigaan ku gadan dabaqii naareede

  • Anaan labada daarood tan hore darajo moodaynin

  • Markay duushay gaaladu anaan daabbaddu rarine

  • Goortay dareeraan anaan diiradduu qabane

  • Anigaan dariiqiyo waddada dowga sii marine

  • Anaan doora-weynoo kufriga daacadnuu geline

  • Ferenjiga dirayska leh anaan diiradduu qabane??

  • Sida doxorka Iidoor anaan duud-xamaal noqone

  • Doofaarka eyga ah anaan daarihiis geline

  • Anigaan dilaalkiyo ardiga duubigoow xidhane

  • Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine

  • Daarood Ismaaciil ma oga dowga loo qodiye

  • Waa wixii durbaan tumay markaan dowga sii maraye

  • Waa wixii dayooy yidhi intuu soo dabaaldegaye

  • Dadow maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw yeelan

  • Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiisa

  • Nin rageey dardaaran u tahaye doqoni waa mooge

  • Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye

  • Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine

  • Marka xiga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e

  • Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraha e

  • Mar haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal dhaafay

  • Maxaad igaga digataan berruu siin lasoo degiye

Dhammaad.      

****************************************************************************

Waxaan ka qorray barnaamij laga soo daayey Idaacadii Muqdisho, buuggii Aw-Jaamac Cumar Ciise, Early Days in Somaliland and Other Tales by H. G. C. Swayne, iyo The Warrior Mullah by Ray Beachey meelaha qaarkood ayaan ka saxnay.   Magacyada qaarbaan wali saxnayn qaarna waaba maqan yihiin.  Sixidooda iyo helidoodu waa howl inoo wada taala.  Mahadsanid

 **Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan.  Aw Jaamac Cumar Ciise.

Kor u noqo

Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s