Uncategorized

Daawo Sida Maxariis darada ah ee Maanta loo dilay Dhaqaatiir Ajaaniib ah oo kusugneed Duleedka Muqdisho

Daawo Sida Maxariis darada ah ee Maanta loo dilay Dhaqaatiir Ajaaniib ah oo kusugneed Duleedka Muqdisho  

Kooxo Hubeesan ayaa Barqanimadii Maanta Deegaanka Siinka Dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho waxa ay ku laayeen Dhaqaatiir Ajaaniib iyo Soomaali isugu jirta oo ka howl galayay Isbitaalka Fiqi.

Inta la xaqiijiyay ilaa 6-qof ayaa ku geeriyootay Weerarkaasi oo Sadax kamid ah ahaayeen Dhaqaatiir Ajaaniib ah oo kasoo jeeda Dalka Suuriya halka Sadaxda kalana ay ahaayeen Soomaaliya midkood uu ahaa dhaqtar .

Dhaqaatiirta Ajaaniibta ah ee la laayay ayaa saakay ka tagay Magaalada Muqdisho waxa ayna kusii jeedeen Isbitaalka Fiqi Xaruntiisa oo kutaal Deegaanka Siinka Dheer halkaa oo lagu weeraray xili Isbitaalka ay wax yar un u jireen.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Kooxaha Weerarka geestay ay wateen Gaari Nuuca loo yaqaan NOAH ayna in mudo ah meereesanayeen inta u dhaxeysa Isbitaalka iyo Laamiga Siinka dheer markii ay arkeen gaariga dhaqaatiirta wadayna ay ku horgooyeen gaarigooda kadibna Rasaas ooda uga qaadeen. source allbanaadir.com

Kooxihii Dilka u geestay Dhaqaatiirta Ajaaniibta iyo kuwa Soomaali ah oo la socday ayaa la tilmaamay in ay goobta isaga baxsadeen , waxaana halkaasi gaaray Ciidamo iyo Saraakiil katirsan Dowlada oo halkaasi ka sameeyay Baaritaano aan wali la shaacin waxa kasoo baxay.

Ma jiro ilaa hada cid sheegatayMasuuliyada Weerarkan lagu Dilay Dhaqaatiirta Ajaaniibta ah iyo Sabbata loo dilay , waxa uuna Dilkan saameyn badan ku yeeshay Howlihii Caafimaad uu fulinayay Isbitaalka Fiqi ee ku yaala Deegaanka Siinka Dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com



Standard

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s