Uncategorized

geeraaro aad u macan oo aad ka bogan doontaan Geeraaro jaceyl ah

dharka la yska saariyo
hadaad dhereka uun eegto
ama aad dhalaal beena
iyo dhedo ku soo guurto
sidii dhidar xabaalah qodaa
ceeb u dhacaysaaye
dheg haweenku leeyahay
midaan eebe kala dheegin
oo waliba dheeraadka
dumar
qiimo lagu dheehay
oo sidig dhabeelaan
waxbadan
dhuungalow xigaye
ha yeeshee dhambaalkaan
furfiuray
waa midaan dhaax hore
joogsadaye
bal dhagayso dheegow
murtidu dhaxal dad
weeyaane
dhexda soohan dherekiyo
laxaadka
dhaayihiyo luulka
timo labada dheeg iyo
garbaha
dhab u mushaaxayaay
ama dhabanka dheehiyo
wejiga
dhalanka loo uumay
sanqaroorka aad dhool
curtiyo
dhabiga moodaysid
dhaayaha ku yaaliyo
indhahan
dhab u hilaacaaya
sidii dhaal banaanoo
ilaah dhalan ka soo saaray
dhegta loo sar gooyiyo
markay dhoosha kala qaado
ama luqunta dheehooy s
sidii geenyo lagu dhaabay
dhaldhalaaka quruxdeedaa
daruuru dhinaca ka
moodaaye
waa ruux dhamaysoo ku
daray
weilba dhiidhiye
dhaayaha jaleeciyo
dadkay dhaygag galisaaye
dhugashada kalgacal
maalintraan dhacashada
eegay
dhaxantii i qabataa
qalbigu dheeliyaa weliye
dharaartaan xasuustana
wakhtigu waa igu
dhalanteede
dheeldheeligaan qabo nin
ogi
ima dhaliileene
dhalxash iyo sidii yabaq ka
baxay
dhinacyadii hawdka
dhaan nageeye uu xalay
heliyo
dhibic laxaad weyn
anigoo hurdada laga
dhergiyo
dhagi ka soo toosay
aan dharabka waagii baryiyo
dhaayo kulansiiyay
ama dhaan haraadloo
qabiyo
dhuluu ka soo muuqday
ma ogtahay indhuhu
kaama dhargaan inay ku
daawadaane
waxaad tahay qof dayn lagu
dhaloo waliba dhawrsanoo
dhal magaalo adigaa ah iyo
tii wax loo dhigaye
waxaad tahay insaan
lagu dhintoo lagu
dhibaatoodaaye
waxaad tahay dhabeel
tii u mdan dheg iyo
maamuuse
mana lihdi dhaliil kolay
ku tahay dheehashiyo
muuqa
ragbaa dhaqayo foofsada
intuu dhuuniguw galaye
habeen dhaxana duulbaa
yaqaan dhuumashada jaane
dhidib loo yagleeiyo
hadaad xilo ku dheeraato
asaan calaf ku dhaafshiyo
wakhtigu mawd ku dhaxa
joojin
waa dhudi nagaysiyo
labaray dhaqasho xoolaadee
dhadhabkaan hurdadad
boodayaa dheelalawga lehe
hadaba dhinac yadaydaan
dayaa dheehashada muuqe
dhaqaaq joogsi gaygaa
khalqigu igu dhaliilaaye
dheecaanka sooreed iyo
marbaan dheefta qaab
sadaye
haduu dhugato qabo
geelu waa golongol
dhuubtaaye
Dhaaxuu ku taamaye
Cilmi bay dhacan ka
saareene
Aniguna Dhirbaaxadaan
jacayl waw u dhutinayaane
Dhaga awdmay dhaantada
ruuxdiyo
dharab la loolaaye
Dhalinyaro dhismaha
luuqdiyo
dhaqan goobeed sheegtay
Ama duul is dhalay oo
wax badan dhoof ku kala
baday
Dharaartaanu kulanaa
kal gacal nalagu dheehaaye
Inkastoo ay mudada
dhaawacdo
waan dhur sugayaye
Dhimashada horteed
Waa rugtaan heeryadii
dhigaye
Waxaa Gabaygan tiriyay
Cilmi Boodhari

Standard

One thought on “geeraaro aad u macan oo aad ka bogan doontaan Geeraaro jaceyl ah

  1. Reblogged this on http://farayarenews somafarayarenews somalia @xjournalist i teach and speak english arabic ahmaric kiswahili somali and italiano i am a proff. Af languages journalist peace maker chairman of somali youth @xjournalist i teach and speak english arabic ahmaric kiswahili somali and italiano i am a proff. Af languages journalist peace maker chairman of somali youth path finders.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s