Uncategorized

Asal ahaan magaca Mogadishu xaguu kayimid Muqdisho waxaa lasheegaa in magacaas asal ahaan uu yimid kalimada Maqcad Shaah oo loola jeedo kursiga Boqorka ama micnaha kale meesha ku jira (meesha ugu wanaagsan ee boqorka fadhiisto ama xarun ka dhigto),

sida
lasheegay Muqdisho
waxaa qarnigii 6aad ee
hijriyada xukumi jiray
faarisiyiinta marka
soomaalida wey kari
waayeen ku dhawaaqida
(Maqcad Shaah) waxeyna
u badaleen magaca hada
(Muqdisho) kalmada waa
laba erey kala duwan
ereyga Maqcad waa carabi
ereyga labaad shaah waa
faarisi oo loola jeedo
boqor. maka taas maloo
macneyn karo in
magaalada aasaasideedi
dadka faarisiyiinta aay
qeyb ku lahaayeen ,
maxaa yeelay ereyada
faarisiga aad ayaa looga
isticmaali jiray
magaalooyinka carabta iyo
xeebaha soomaaliya waqti
aad u fog Waxaa aay badi
taariikhyahanada qireen
in magaalada Muqdisho
uu Islaamka soo gaaray
inta aay magaaladaas soo
shaac bixin, waxeyna soo
soo shaac baxday baxday
markii aay dadka
magaalada dhamaan
diinta Islaamka aay wada
galeen oo aay noqdeen
dad aad looga yaqaanp
gobolka, taas oo keentay
in dhamaan xeebaha Afika
bari oo ka kooban
(Zinjibaar, Somaaliya,
Jabuuti ) loogu yeero
Muqdisho Magaalada
Muqdisho markii aay
dadkeedi Islaamka galeen
markaas oo aheyd qarnigii
1aad ee Hijriga, waxey
noqotay darbiyadii adkaa
ee difaacay Islaamka
Afrika.somalia byyyyyyyy
Qaar kamid ah
taariikhyahanada waxey
sheegeen in dadka asal
ahaan u dhashay
magaalada Muqdisho aay
ahaayeen dad aay ku
badan yihiin Culimada iyo
raga diinta lagu yaqaan
kuwaas oo horsed ka ahaa
dhaqdhaaaqyadii fidinka
diinta Islaamka ee
Soomaaliya isla markaana
dowr weyn kasoo qaatay
in aay diinta Islaamka ku
fido bariga , bartamaha
iyo koonfurta Afrika,
dadkaas firkoodi ilaa iyo
waqtigaan waxey kunool
yihiin magaalada
Muqdisho ee qadiimka ah.
Asaasidii Magaalada
Muqdisho
Dhagaxtuur
Taariikhyahanada waa aay
isku qilaafsan yihiin
waqtiga la aasaasay
magaalada muqdisho ,
qaar kamid
taariikhyahanada yurub
ayaa sheegay in
magaalada Muqdisho la
aasaasay qarnigii 7aad
ama 8aad ee miilaadiga ,
laakin kuwo badan ayaa
waxey sheegeen wax taasi
qilaafsan.
Kitaabka taariikhda
magaalada Baata (xeebta
Afrikada bari) ee lagu
qoray afka Sawaaxiliga
ayaa waxaa ku qoran
qofkii ugu horeeyay ee
magaalooyinka xeebaha
Afikada Bari aasaasay uu
ahaa Khaliifkii
Cabdulmalik Ibnu
Marwaan sannadku
markuu ahaa 77 hijriga,
kadib markuu maqlay
wararka
magaalooyinkaas , wuxuu
markaas rajeynaayi inuu
halkaas ka dhiso
boqortooyo cusub
Cabdulmalik Ibnu
Marwaan wuxuu halkaas
usoo diray rag Suuriyiin ,
kuwaas oo ah dadkii
dhisay magaalooyinka
(Baata) (Malindi) (Zinjibar)
(Laamo)
Bartamaha Muqdisho
.
Taariikhyahan Taliyaani ah
ayaa wuxuu sheegay inaay
aay magaalada Muqdisho
ahaan jirtay Islaamka ka
hor magaalo weyn
Markii Islaamka uu ku
faafay magaalada
Muqdisho waxey noqotay
meel aay soo hijroodaan
dadkii carabta ahaa,
dadkaas oo halkaas ka
abuuray ganacsi Iyo
fidinta diinta Islaamka
ilaa aay magaalada ka
noqoto Minaaradii diinta
ee Afrika, dadkaas firkoodi
ilaa waqtigan xaadirka ah
waxey weli ku noolyihiin
magaalada Muqdisho iyo
xeebaha Banaadir oo
dhan nin magaciisa la
dhihi jiray “Ismaaciil Ibn
Cumar Ibn Muxammed”,
ninkaan wuxuu kasoo
jeeday reer “Banii Cafaan”
wuxuu magaalada
Muqdisho uu yimid
sannadkii 149 hiriyada.
(MIcnaha Muqdisho
“Muqa ayey DISHA”)
Ibn Batuuta iyo
Muqdisho
socday ku dhaheen
ninkaan maaha ganacsade
ee waa Faqiih , markaas
ayey qeyliyeen
dhalinyaradii iyagoo ku
dhawaaqayay ninkaani
wuxuu marti u yahay
Qaadiga magaalada.
Waxey igu dhaheen waxaa
caado inoo ah markuu
magaalada yimaado Faqiiq
ama Shariif amaba nin
wanaagsan waxaa
markiiba loo geeyaa
Qaadiga magaalada si uu
ula kulmo Suldaanka
markaas ayaa waxaa ley
geeyay Suldaanka
magaalada oo aan la
kulmay.
Ibnu Batuuta warbixintiisa
wuxuu uga waramay
qaabkii wanaagsanaa ee
loo soo dhaweeyay iyo
marti soorkii ee sadexda
maalin ah ahaa ee aay
reer Muqdisho u
sameeyeen.
Ibnu Batuuta wuxuu yiri:
maalintii afaraad ee
booqashadeydi magaalada
Muqdisho ayaa waxaa ii
yimid Qaadiga magaalada
iyo ardayda iyo mid kamid
ah wasiirada, waxeyna
iikeeneen maro “macawis”
iyo maro kale garbaha
lasaarto iyo camaamad
sida kuwa masaarada oo
kale , sidoo kale waxe
maryo kuwaan oo kale u
keeneen dadkii aniga ila
socday , kadib waxaan soo
aadnay Masjidka jaamica ,
Suldaanka ayaan
salaamay , kadib asigana
wuxuu igula hadlay afka
Carabiga asiga oo dhahay
“Qadamta kheyra
maqdam , wa sharafta
bilaa dana , wa
aanastanaa” taas la micno
ah “waxaad timid meel
kheyr badan , wadankeena
ayaad sharaftay waadna
nasoo wehlisay”
Masaajida Magaalada
Muqdisho
misaajidka xamar
Magaalada Muqdisho
waxey ku caanbaxday
masaajido waaweyn oo
taariikh fog leh ,oo ahaan
jirtay goobahii cilmiga loo
soo doonan jiray lagana
baran jiray culuunta kala
duwan , waxaan looga
imaan jiray geeska afrika
oo dhan waxaa
masaajidadaas aay ku
caan baxday xalaqaadka
tafsiirka , Xadiithka ,
fiqhiga . maamulkii
Muqdisho ka jiray waxey
ku tartami jireen dhisida
masaajida iyo gaabaha
lagu barto diinta
Islaamka.
Masaajida Muqdisho
waxaa ka mid ah :-
1- Masjidka Xamar-
Weyne (jaamaca) waxaa
leysku wada raacsan yahay
inuu yahay masjidka ugu
fac weyn magaalada
Muqdisho , waxaa
masjidkaas la dhisay 630
hijriga , masjidka wuxuu
leeyahay 81 tiir .
2- Masjidka Arbaca-
Rukun oo ladhisay
bartamihii qarnigii 7aad
ee hijriga
3- Masjidka Faqrudiin
oo la dhisay 667 hijriga ,
masjidkaan wuxuu ku caan
baxay oo dabiyadiisa aay
leeyihiin naqshada kala
duwan oo aad u qurux
badan oo ka sameysan
ruqaan
4- Masjidka Axnaafta oo
la dhisay qarnigii 7aad ee
hijriga , markii gumeysigii
Taliyaaniga dalka
qabsaday wey dumiyeen
masjidkaas waxey ka
duldhiseen baar aay u
bixiyeen ‘’ BAR SAVOY’’
Sawirada Xamar
xamar korkeeda
1960-70

Standard

One thought on “Asal ahaan magaca Mogadishu xaguu kayimid Muqdisho waxaa lasheegaa in magacaas asal ahaan uu yimid kalimada Maqcad Shaah oo loola jeedo kursiga Boqorka ama micnaha kale meesha ku jira (meesha ugu wanaagsan ee boqorka fadhiisto ama xarun ka dhigto),

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s