Banaanbax ballaaran oo looga soohorjeedo Ciidamada Kenya oo ka dhacayMagaalada JowharBanaanbax ballaaran oo ka dhan ah CiidamadaMilitariga ee Dowladda Kenya, ayaa wuxuumaanta ka dhacay Magaalada Jowhar eeXarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ahDallada Amisom, ayaa waxaa muddo toddobaadkahor soo shaac baxday, inay qeyb ka ahaayeendagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo, lanasheegay inay Ciidamada Kenya hubka waaweynwax yeelo daran ugu geysteen dadka maatidaah.Banaan baxa ballaaran ee maanta ka dhacayMagaalada Jowhar, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexeee Dowladda, iyadoo ay isugu soo baxeynboqolaal kamid ah dadka reer Jowhar.Banaan baxaan ayaa wuxuu ka qabsoomayGurigii Shaqaalaha, oo ku yaala Xaafadda HantiWadaag, oo ah halka uu Jowhar ka degganyahay Gudoomiyaha Maamulka GobolkaShabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow.Dadka isugu soo baxay banaan baxaan, ayaawaxay ku qaylinayeen ereyo ka dhan ahCiidamada Dowladda Kenya, waxaana loogubaaqay inay isaga baxaan Magaalada Kismaayo.Masuuliyiinta Gobolka ayaa waxay saluugeenhab dhaqanka khalafsan ee Ciidamada Kenya,waxayna wax xun ku sheegeen dadkii ay kulaayeen Magaalada Kismaayo.Banaan baxa maanta ka qabsoomay MagaaladaJowhar, ayaa wuxuu daba socdaa banaan baxyokale oo ka dhan ah Ciidamada Kenya, oo kaqabsoomay Magaalooyinka Baladweyne,Garbahaarey iyo Buusaar.

Banaanbax ballaaran oo looga soo
horjeedo Ciidamada Kenya oo ka dhacay
Magaalada Jowhar
Banaanbax ballaaran oo ka dhan ah Ciidamada
Militariga ee Dowladda Kenya, ayaa wuxuu
maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee
Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah
Dallada Amisom, ayaa waxaa muddo toddobaad
kahor soo shaac baxday, inay qeyb ka ahaayeen
dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo, lana
sheegay inay Ciidamada Kenya hubka waaweyn
wax yeelo daran ugu geysteen dadka maatida
ah.
Banaan baxa ballaaran ee maanta ka dhacay
Magaalada Jowhar, ayaa waxaa soo qaban
qaabiyay Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe
ee Dowladda, iyadoo ay isugu soo baxeyn
boqolaal kamid ah dadka reer Jowhar.
Banaan baxaan ayaa wuxuu ka qabsoomay
Gurigii Shaqaalaha, oo ku yaala Xaafadda Hanti
Wadaag, oo ah halka uu Jowhar ka deggan
yahay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka
Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow.
Dadka isugu soo baxay banaan baxaan, ayaa
waxay ku qaylinayeen ereyo ka dhan ah
Ciidamada Dowladda Kenya, waxaana loogu
baaqay inay isaga baxaan Magaalada Kismaayo.
Masuuliyiinta Gobolka ayaa waxay saluugeen
hab dhaqanka khalafsan ee Ciidamada Kenya,
waxayna wax xun ku sheegeen dadkii ay ku
laayeen Magaalada Kismaayo.
Banaan baxa maanta ka qabsoomay Magaalada
Jowhar, ayaa wuxuu daba socdaa banaan baxyo
kale oo ka dhan ah Ciidamada Kenya, oo ka
qabsoomay Magaalooyinka Baladweyne,
Garbahaarey iyo Buusaar.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s