C/raxmaan Faroole oo sheegay Shuruudo adag iyo isaga oo Hanjabaad u diray Xukuumadda Somalia.(Faroole), Madaxweynaha Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Somalia aya isku dhex yaacisay Howlihii loo idmaday ee Dalka. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa waxa uu hadalkaasi ka sheegay Xilli uu Khudban ka jeedinaayay Xaflad ka dhacday Magaalada Garoowe, isagoona sheegay in nidaamka Dowladnimo aysan jirin cid si gaar ah uleh,loona baahan yahay in la fuliyo sharciyada uu qabo Dastuurka Qaranka, sida uu hadalka u dhigay. Faroole, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda uu taageerayo haddii ay fulineyso Arrimaha Dastuur, haddii intaa laga waayana uu sidiisa usii ahaan doono ruux ka soo horjeysto. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, waxa uu sidoo kale, sheegay in haddii wax laga bedeli waayo Dastuurka ay sameyn doonaan ,kacdoon lamid ah kii ka dhacay dalka Masar ee xilka looga qaaday Madaxweyne Mursi, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, Faroole, ayaa waxa uu soo hadal qaaday in shirar ka dhaca Magaalada Muqdisho oo ay dowladda garwadeen ka tahay sida uu sheegay lagula dagaalamayo,maamulka Puntland iyo midka Axmed Madoobe ee Kismaayo,taasina wuxuu sheegay inay ka hala hadleen madaxda Dowlada. Haddalada uu Munaasabadaasi ka jeediyay C/ raxmaan Faroole, ayaa waxa uu isugu jiraa Hanjabaa iyo in la fuliyo rabitaankiisa Walow madaxda Dowladda ay dhowr mar horay u sheegen in Arrimaha dalka iyo Dastuurka aysan cid kala tashan doonin.

C/raxmaan Faroole oo sheegay
Shuruudo adag iyo isaga oo
Hanjabaad u diray Xukuumadda
Somalia.C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole),
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliyeed ee
Puntland ayaa waxa uu sheegay in Dowladda
Somalia aya isku dhex yaacisay Howlihii loo
idmaday ee Dalka.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa
waxa uu hadalkaasi ka sheegay Xilli uu Khudban
ka jeedinaayay Xaflad ka dhacday Magaalada
Garoowe, isagoona sheegay in nidaamka
Dowladnimo aysan jirin cid si gaar ah uleh,loona
baahan yahay in la fuliyo sharciyada uu qabo
Dastuurka Qaranka, sida uu hadalka u dhigay.
Faroole, ayaa waxa uu sheegay in Dowladda uu
taageerayo haddii ay fulineyso Arrimaha
Dastuur, haddii intaa laga waayana uu sidiisa usii
ahaan doono ruux ka soo horjeysto.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, waxa uu
sidoo kale, sheegay in haddii wax laga bedeli
waayo Dastuurka ay sameyn doonaan ,kacdoon
lamid ah kii ka dhacay dalka Masar ee xilka looga
qaaday Madaxweyne Mursi, sida uu hadalka u
dhigay.
Dhanka kale, Faroole, ayaa waxa uu soo hadal
qaaday in shirar ka dhaca Magaalada Muqdisho
oo ay dowladda garwadeen ka tahay sida uu
sheegay lagula dagaalamayo,maamulka Puntland
iyo midka Axmed Madoobe ee Kismaayo,taasina
wuxuu sheegay inay ka hala hadleen madaxda
Dowlada.
Haddalada uu Munaasabadaasi ka jeediyay C/
raxmaan Faroole, ayaa waxa uu isugu jiraa
Hanjabaa iyo in la fuliyo rabitaankiisa Walow
madaxda Dowladda ay dhowr mar horay u
sheegen in Arrimaha dalka iyo Dastuurka aysan
cid kala tashan doonin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s