War Deg Deg Ah Kulankii Baarlamaanka oo goordhaw furmay iyo Ciidamo badan oo la dhigay ilbaabada Xarunta Golaha Shacabka Waxaa Daqiiqado kahor si rasmi ah u furmay Kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku leeyihiin xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho,iyadoona kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah oo ka duwan kulamadii hore. Kulanka Goordhaw Furmay waxaa xaadir ku ah Xildhibaano gaaraya 249- Xildhibaan kuwaa oo loo qeybiyay Mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya waxaana goordhaw bilawday ka doodista Mooshinka laga gudbiyay R/Wasaaraha. Kulanka ayaa ku furmay jawi dagan waxaana bilawday Khudbado ku aadan Mooshin ay Xildhibaanada kaga doodayaan iyadoona Kulanka inta uu socday ay jiraan Dadaalo looga hortagyo in ay fowdo goobtaasi ka dhacdo ay is fara saaraan Xildhibaanada kala taageersan Madaxweynaha iyo R/ Wasaaraha. Ciidamo tiro badan oo isugu jira Booliis iyo Nabad Sugid ayaa la dhigay ilbaabada laga galo Xarunta Golaha Shacabka kuwaa oo loogu tala galay in ay kala dhax galaan Xildhibaanada hadii ay xarunta Fowdo ka bilaabato. Khilaafka Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha u dhaxeeya oo lagu guul dareestay in la xaliyo ayaa hada looga fadhiyaa in xal kama dambeys ah ka gaaraan Xildhibaanada Baarlamaanka ,waxaana inta badan la saadaalinayaa in uu meesha ka bixi doono R/ Wasaare Saacid. Waxii Warar ah ee kulankan kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah Allbanaadir.com

War Deg Deg Ah Kulankii
Baarlamaanka oo
goordhaw furmay iyo
Ciidamo badan oo la
dhigay ilbaabada Xarunta
Golaha Shacabka
Waxaa Daqiiqado kahor si
rasmi ah u furmay Kulanka
Xildhibaanada Baarlamaanka
Soomaaliya ku leeyihiin
xarunta Golaha Shacabka ee
Magaalada
Muqdisho,iyadoona kulanka
maanta uu yahay mid
xasaasi ah oo ka duwan
kulamadii hore.
Kulanka Goordhaw Furmay
waxaa xaadir ku ah
Xildhibaano gaaraya 249-
Xildhibaan kuwaa oo loo
qeybiyay Mooshin ka dhan
ah R/Wasaaraha Xukuumada
Soomaaliya waxaana
goordhaw bilawday ka
doodista Mooshinka laga
gudbiyay R/Wasaaraha.
Kulanka ayaa ku furmay jawi
dagan waxaana bilawday
Khudbado ku aadan
Mooshin ay Xildhibaanada
kaga doodayaan iyadoona
Kulanka inta uu socday ay
jiraan Dadaalo looga
hortagyo in ay fowdo
goobtaasi ka dhacdo ay is
fara saaraan Xildhibaanada
kala taageersan
Madaxweynaha iyo R/
Wasaaraha.
Ciidamo tiro badan oo isugu
jira Booliis iyo Nabad Sugid
ayaa la dhigay ilbaabada
laga galo Xarunta Golaha
Shacabka kuwaa oo loogu
tala galay in ay kala dhax
galaan Xildhibaanada hadii
ay xarunta Fowdo ka
bilaabato.
Khilaafka Madaxweynaha iyo
R/Wasaaraha u dhaxeeya oo
lagu guul dareestay in la
xaliyo ayaa hada looga
fadhiyaa in xal kama
dambeys ah ka gaaraan
Xildhibaanada
Baarlamaanka ,waxaana inta
badan la saadaalinayaa in
uu meesha ka bixi doono R/
Wasaare Saacid.
Waxii Warar ah ee
kulankan kusoo kordha
kala Soco Wararkayaga
Dambe Insha Allah
Allbanaadir.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s